Shirweynaha 3aad dib u eegista Waxbarashada Puntland oo ka furmay Garowe

Garowe (Puntland Post):- Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ayaa maanta ku daahfuray magaalada Garoowe shirweynaha 3-aad ee dib u eegista Waxbarashada Puntland.

Shirkan oo sanad walba ay qabato Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowlada Puntland, waxaa kazoo qeyb galay sanadkaan Xubno ka tirsan gollaha wasiirada Puntland, Wafuud ka socota Dowlada Federalka Soomaaliya, Maamulada ka jira dalka, Saraakiil ka socota Hay,addaha Qaramada Midoobay iyo Dalalka Mareykanka, EU-da iyo Japan.

Hal ku dhiga sanadkaan ayaa loogu magac daray “XOOJINTA NIDAAMKA WAXBARASHO OO WAX KU OOL AH” wuxuuna socon doonaa shirku muddo labo maalmood ah , waxaana si gaar ah loogu casumay Gudoomiyayaasha waxbarashada gobalada Puntland,Macalimiin,Khubaro dhanka waxbarashada ah iyo aqoonyahano , dhamaantood ku lafa guri doona mudada uu socdo shirku dib u eegis lagu sameynayo waxbarashada iyo waxyaabihii u qabsoomay Puntland sanadka 2016.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise oo ka hadlay furitaankii shirkan ayaa sheegay inay guulo waaweyn ka gaareen toosinta hanaanka waxbarashada,horumarinta balaarinta,hirgalinta manhajka waxbarashada,tababarka macalimiinta,kormeerka iyo Imtixaanaadka Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay oo anddaahfuray shirkan ayaa ku amaanay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowlada Puntland horumarka balaaran ee ay ka gaartay doorka fidinta tacliinta deegaanada Puntland.

Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ayaa sheegay in dowladdu ay ku bixiso miisaaniyad 70%  ah waxbarashada dalka,wuxuuna carabka ku dhuftay inay xooga saari doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarashada Puntland, Isagoona kula dardaarmay masuuliyiinta Wasaaradda inay sii xoojiyaan dadaalkooda.

img_8146 img_8161 img_8167 img_8170 img_8172 img_8174 img_8177 img_8179 img_8184 img_8186 img_8188 img_8190 img_8192 img_8193 img_8202 img_8205 img_8207 img_8210 img_8212 img_8217 img_8218 img_8219 img_8223 img_8225 img_8241 img_8245 img_8248 img_8254 img_8257 img_8258 img_8259 img_8261 img_8264 img_8281 img_8292 img_8296 img_8317 img_8322 img_8324 img_8326 img_8328 img_8340 img_8347 img_8348 img_8357 img_8373 img_8375 img_8376 img_8377Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST