Roob ka da,ay galabta deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal

Garowe (Puntland Post):- Xubno ka mid ah Guddiga Culimada Gurmadka Abaaraha Puntland ayaa goor dhawayd u xaqiijiyay warbaahinta PUNTLAND POST roobab lagu diirsaday oo galinkii dambe ee maanta ka da,ay deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal iyo Xeebaha kulaala ee Badweynta Hindiya.

Sheekh Maxamed Xamari oo ku sugan deegaanka la yiraahdo Aftogweyne oo hoostaga Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal , kana ka mid ah guddiga taakuladda ayaa u sheegay PUNTLAND POST roobab lagu diirsaday oo galabta qabtay deegaano ay ka mid yihiin tuulada Uus-gure, Aftogweyne, Yoonbeys iyo Deegaano kaabiga ku haya Xeebta Gobolka Nugaal.

Sheekh Maxamed Xamari ayaa sheegay inuu biyo galiyay dhamaan barkadihii ku yaalay Tuulada UUS-GURE ee Gobolka Nugaal roob galabta ka da,ay, halka uu sheegay Shiikhu in xoolaha iyo dadkuba ka cabeen roobab aan sidaas u badnayn oo biyo dhigay deegaano u dhow tuulada Yoonbeys ee Hawdka Gobolka Nugaal.

sheekh-maxamed
Sheekh Maxamed Xamari

Dhinaca kale wuxuu sheegay Sheekh Maxamed Xamari deegaanka uu ku sugan yahay oo magaciisa la yiraahdo Aftogweyn inay galabta qabatay daruur qaboojin ah oo si weyn u rajo galisay dadka iyo duunyada ku nool halkaas oo ka mid ah dhulka  ay ka jirto abaarta ugu daran ee Puntland

Sheekh Xamari ayaa intaas ku daray roobka xoogiisu inuu ka da,ay dhinaca xeebta, wallow uu carabta ku dhuftay inuu cirku cusub yahay , Islamarkaana jawigu ka duwan midkii maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna allaah ka baryay Shiikhu inuu u siyaadiyo raxmadiisa cirka kasoo hooreysa , si ay arladu uga baxdo dhibta iyo haraadka ka jira.

Isku soo wada duuboo roobka galabta ka da,ay deegaano ku yaala Gobolka Nugaal ayaa kusoo beegmaya xilli ay faraha kasii baxayso abaarta ka jirta dhulka Puntland , Waxaana ka socda dhamaan magaalooyinka iyo Gobolladda Puntland gurmadyo aan kala go lahayn oo ay hogaaminayaan Culimada diinta.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST