PUNTLAND POST oo Booqatay Deegaanada Abaaruhu ay ka Jiraan ee Puntland

Waa xiliga raxmaadka eebe oo ay dartu di’ijirtay balse xiligan wax roob ah kama din guud ahan Soomaaliya, iyo qeyb kamid ah geeska Afrika,

Dadka reer miyiguna waxa ay la dhibatoonayaan geedi badan haraad iyo xoolahoodii oo ka dhamaaday inta u hadhayna ma haystaan wax ay cunana dhulkuna waa in gagan yahay oo habaas ayaa ka boodaya.

Dhulka waxa buuxiyeye Xoolaha dabar go’ay oo daran caloolxumo ku ah dadka duunyadaasi dhaqanayay oo ay u aheyd dheefta ay quutaan, waxayna iskugu jiraan Geel, Ari iyo fardo Caruurna wax ay u geeryootay nafaqo daro sabab u noqtay abaarta ka jirta gobalada soomaliya .

Reer miyigu inta badan wax uu dadaal ugu jiraa in uu inta u hadhay bad baad sadan balse suuragal umanoqonayso oo xanuuno kala duwan ayaa ku dhuftay xoolaha kadibana wax ay u geeryoonayaan raxan raxan.

Abaarahan aya u dhacay qadarta eebe oo anay aadmigu arkan balse dadku kama quusan baryada ale oo dadku wax aya oogayaan salaado roobdoon ah oo ale uga baraya-yaan in uu qaboojiyo.

Gobalada Haylan, Sanaag, Sool iyo deeganada hoos yimada xiligan waxa ka jira abaartii ugu darneyd oo saameen ku yeelatay dadka reer guuraga ah iyo dadka magaaladaba.

Warbaahinta PUNTLAND POST oo qeyb ka aheyd Gudiga abaarah Puntland oo booqanayeye degandaasi ayaa suura gal u noqotay in ay Waraysiyo kala duwan la yeelato dadka deeganadaasi oo abaartu samaysay.

Qaar kamid ah dadka reer miyiga ah markii ay xoolohoodii kaga dhamadeen Abaarta ka jirta gobalad Sool, Sanaga iyo Haylaan wax ay gudah u soo galeen hadba halka magaalo ugu dhaw marka ay xoolahoodu ka dhamadaan waxayna ka samaysteen guroyo ka kooban Bac iyo qoryo hareeraha magaalooyinka .

Geediga reemiyga iyo gadiidka daad Guraynaya ayaa hadba uguuraynaya halka ay halac ka tiraahdo raxmaadka eebe waxan markiiba afka iyo adinkaba ku qaadaya duunyada gaajaysan oo ay saamysay baartu

Xaalad ayaa hadii ay sidan ku sii socota waxa ay dhibaato wan ku noqonayasaa dadkeena EEBE masii dheereye.

DAAWO SAWIRADDA :

p1

p2

p3

p4

p5

p6

p7

p8

p9

p10

p12

p13

p14

p15

p16

p18

p19

p20

 

p22

p23

p24

p25

p26

p27

p28

p30

p31
FG : Warbixintaan & Sawirada Lama Qaadan Karo, iyadoo Aadan U Heysan Ogalaansho Ama Fasax.

CABDIQANI BOOS -Tell: +252907643864

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSASO