Lix qof oo xalay lagu afduubay tuulo 40 KM u jirta Garowe.

afduub-tuulada-geed-qaboobeGarowe (Puntland Post):- Dadka iyo Odoyaasha Deegaanka Tuulada Geed-qaboobe ee Gobolka Sool ayaa maanta ku guulaystay soo daynta lix qof oo ah rakaab la socday gaari ka yimid magaalada Hargeysa kuna wajahnaa magaalada Garowe ka dib markii ay xalay ka afduubteen koox hubaysan oo maleeshiyo beeleed ah agagaarka tuulada Geed-qaboobe oo ku taala laamiga isku xira magaalooyinka Garowe iyo Laas-caano.

Mid ka mid ah Rakaabka lagu afduubay agagaarka tuulada geed-qaboobe oo qiyaastii ilaa 45 KM u jirta Garowe ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay ka dambeysay arrintan ka dib markii ay ku andacoodeen dableydu in maxkamada Hargeysa ee maamulka Somaliland ku riday xukuno dil iyo xabsi isugu jira labo nin oo ay heyb dhaw wadaagaan, Taasna ay ka dambeysay sababta ay u afduubeen dad rayid ah oo Hargeysa uga soo tagey sidii ay Garowe  uga qaadan lahaayeen Pasaport-ka Soomaaliga.

Goobjoogaha oo codsaday inaan la shaacin magaciisa sababo amaan awgood ayaa intaas ku daray inuu dhacay afduubka lixda qof abaaro (9:00 PM) ee xalay, Wuxuuna sheegay inay saaka ku guulaysteen waxgaradka deegaanka tuulada Geed-qaboobe soo deynta rakaabka oo mid ka mid ah ay ahayd qof dumar ah ,Wuxuuna intaas ku daray inaan ilaa iyo hadda la aqoon meel uu jaan iyo cirib dhigay darawalkii baabuurka ay kasoo raaceen Hargeysa.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dabley hubaysan jidgooyo u dhigtaan gadiidka habeenkii maraya  laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka Garowe iyo Laas-caano, waxayna inta badan falalka noocaan ah ka dhacaan dhinaca xiga maamulka Puntland oo ay weli muuqato inuusan ku guulaysan ka hortaga falalkaan  lidka ku ah nabadgalyada isu socodka labada dhinac.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST