Dhaqan galinta sharciga Kufsiga Haweenka oo maanta lagu daahfuray Garowe

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowlada Puntland ayaa maanta ku daahfurtay magaalada Garowe sharci la doonayo sidii loogu xakamayn lahaa kufsiga sharci darada ah, Waxaana kazoo qeyb galay munaasabad lagu daahfurayay sharcigaan Madaxda saddexda Golle ee Dowlada Puntland, Safiirka Dowlada Sweden u fadhiya dalka Soomaaliya , Saraakiil ka socota Madaxda Hay,adda Qaramada Midoobay, Ardey, iyo Marti sharaf kale.

Ka hor daahfurka sharcigan waxaa meel mariyay xubnaha gollaha Wakiiladda Dowlada Puntland, waxaana uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland Maxamed Cali Faarax in howshan in muddo ah ay ku mashquulsanaayeen gollaha garsoorka iyo qaar ka mid ah Hay,addaha Qaramada Midoobay.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa aad ugu mahad celiyay Madaxda Dowlada ee shirkan ka qeybgalay waxaana uu si gaar ah ugu mahad celiyay Hay’adaha UNFPA iyo UNDP oo si dhow Wasaarada ugala shaqeeyay howshan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa isna dhankiisa madasha ka sheegay in dhammaan laamaha ay quseyso howshan inay si dhow uga howlgallaan sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen,

Kusimaha Madaxweynaha ahna kuxigeenka Madaxweynaha Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in howshan ay tahay mid aad loogu baahnaa, wuxuuna soo hadal qaaday in talaabadan ay xakameyn doonto dhibaatooyinka Kufsiga

Safiirka Dowlada Sweden u fadhiya dalka Soomaaliya oo isna ka hadlay daahfurka sharcigan ayaa sheegay inay tani muujinayso talaabo horusocod ah oo looga baahan yahay Puntland inay kaga daydaan dowlada Federalka Soomaaliya iyo Maamulada kale ee dalka ka jira.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.