YAA KUSOO HARAY LOOLANKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA ? Hadal hayn !!

doorashada-4
Raysal wasaare Sharmaake iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

YAA UGU CAD-CAD TARTANKA VILLA SOMALIA ? KUMA BUU KA DHAXEEYA LOOLAN CULUS ? Waa su,aalaha inta badan ay maanka ku hayaan shacabka iyo Dadka isha ku haya doorashada Madaxtinimada Soomaaliya 2016-ka, Haddaba PUNTLAND POST waxay isku dayi doontaa  inay idinla wadaagto xaqiiqooyin ku saabsan arrimaha doorashada iyo musharaxiinta ku hardamaya !!!.

Waxaa lagu doortay xarumaha dowlad goboleedyada sida Garowe, Cadaado, Kismaayo, Jowhar, iyo Baydhabo inta badan Xildhibaanadii ka mid noqon lahaa Aqalka hoose ee  Baarlamanka cusub ee Soomaaliya, waxaana ka muuqda goobaha doorashu ka qabsoomayso raadad muujinaya heerka musuq maasuqa iyo fara-galinta ay ku leeyihiin qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya,halka ay ka dhex muuqato tirada Xildhibaanada ku guulaystay Aqalka hoose nidaamka ku dhisan xulufeysiga iyo Koox kooxeysigu.

Xogaha ay helayso PUNTLAND POST ayaa cadeynaya inay u badan yihiin xubnaha helay ilaa iyo haatan baarlamanka Soomaaliya rag iyo haween saaxiibo iyo garab dhaw la kala ah Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud iyo Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Xubin ku guulaysatay Aqalka Hoose ee Baarlamanka
Xubin ku guulaysatay Aqalka Hoose ee Baarlamanka

Baaritaano kala duwan oo aanu samaynay waxa ku ogaanay inay kusoo baxeen kuraasta aqalka hoose ee Soomaaliya rag ay arrimo dhawr ah  isku siyaasad ka yihiin labadan masuul , sida kuwo ugu jira guddiyada kala duwan ee arrimaha Doorashoyinka, kuwo ah madaxda maamulladda dalka oo ay xiriiro dhaw iyo wada-shaqeyn hoose leeyihiin, kuwo ka tirsan xulufadoodii horre gaar ahaan rag badan oo ku jiray baarlamanka iyo Xukuumada waqtigeedu dhamaaday , Arrimahaas oo dhan ayaa ka mid ah sababaha loogu calaamadinayo inay isugu soo hareen Musharax Xasan Sheekh Maxamuud iyo Musharax Cumar Abdirashiid Cali Sharmaake loolanka adag ee loogu jiro kursiga Madaxweynaha ,

Tan kale oo sahashay inay muuqato saamaynta ay ku leeyihiin doorashada Soomaaliya Musharax Xasan Sheekh iyo Musharax Cumar Cabdirashiid  ayaa ah,  ka dib markii ay kusoo baxeen inta badan kuraasta aqalka hoose Xildhibaano u badan xulufadoodii horre , islamarkaana ka tirsanaa Xukuumadda iyo Baarlamanka waqtigiisu dhamaaaday, kuwaas oo sida la rumaysan yahay ay la garab istaageen intii ay socotay ololaha doorashadu taageero dhinac kasta ah haba, ugu badnaato tan dhaqaale iyo farsamooyinka siyaasadeed-ba leh.

Qodob kale oo isna muuqda ayaa muujinaya baaxadda saamaynta ay ku leeyihiin labadaan musharax tartanka u dhexeeya musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna sheegayaan wararka isa soo taraya taageero heer caalamiya oo ay la garab taagan yihiin labadaan Murashax Dowlado shisheeye.

Tusaale ahaan Xasan Shiikh ayaa wararku sheegayaan inay garab taagan yihiin Dowladaha kala ah Turkiga, Ethoipia , iyo Kuwo kale, Halka Cumar Cabdirashiid  farta lagu fiiqayo inuu taageero ka helayo Dowlado ay ka mid yihiin Isu-taga Imaaraadka Carabta iyo Dalal kale oo reer Galbeed ah , ayna ugu horeyso Dowlada Mareykanka.

doorashada-3Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la saadaalinayo inay qabsoonto bartamaha bisha soo socota ee December , Waxay dad badan isku raacsan yihiin inay tahay mid adag  oo ka duwan kuwii horre, marka la eego hardanka loogu jiro helitaanka kursiga Xildhibaanada iyo Qaabab cusub oo aan horey u jirin oo sanadkaan kusoo kordhey, waxaana u sharaxan Kursiga Madaxtooyada Villa Soomaaliya tiro ka badan 20 musharax oo ku jira dadaal iyo diyaar-garow ay ku wajihi doonaan loolankan culus.

Waxayse xaqiiqadu tahay, Iyadoo laga war sugayo go,aanka ay ka gaari doonaan doorashada soo socota Xildhibaanada Aqalka hoose iyo Kuwa sare oo tiro ahaan ka kooban 329 xubnood,, Wuxuuna hoosta ka xariiqi doonaa go,aankoodu qiimaha iyo kalsoonida danbe oo shacabku ku qabi doono Baarlamanka, Xilli ay ka mid tahay Soomaaliya dalal fara-ku tiris ah oo ku sugan xaalad xasaasiya  oo ka duwan dunida inteeda kale .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST