Wafti qaran oo ka qeybgalaya shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garowe wafuud ka kala socota Dowlada Federalka , Maamul goboleedyada, Saraakiil ka tirsan wadamada ugu horeeya deeq bixiyaasha mashaariicda ee dalka Soomaaliya, Waxayna dhamaantood ka qeybgali doonaan shirka saddexaad ee dib u eegista waxbarashada Puntland oo maalinta beri ah ka furmi doona magaalada Garowe.

Shirkan oo ah mid sanad walba dib loogu eego waxyaabihii u qabsoomay iyo dib u eegis lagu sameeyo waxbarashada Puntland , waxaa sanadkan goobjoog u ah Wasiiru dowladaha Waxbarashada Dowlada Federalka Soomaaliya, Agaasimayaasha guud ee maamulada  iyo Saraakiil ka socota wadamada Midowga Yurub, Mareykanka, China iyo Japan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowlada Puntland Prof Abshir Awyuusuf Ciise ayaa ka warbixiyay wafuuda maanta soo gaartay Garowe,wuxuuna sheegay inay ku casumeen ka qeybgalka shirweynaha saddexaad ee dib u eegista waxbarashada Puntland iyo Meelaha ay ka kala socdaan oo uu sheegay inay ka mid yihiin dalka Soomaaliya iyo Wadamo ka tirsan beesha caalamka.

Daawo Sawiradda

img_8006 img_8010 img_8017 img_8022 img_8025 img_8027 img_8031 img_8035 img_8038 img_8039 img_8041 img_8044 img_8045 img_8048 img_8057 img_8064 img_8104Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST