Puntland oo joojisay doorashada aqalka hoose

PUNTLAND POST oo heshay nuqul ka mid ah dikreeto uu ku saxiixan yahay Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland ayaa lagu hakiyay hawlihii doorashada aqalka hoose ee ka socotay magaalada Garowe, Iyadoona qoraalka dikreetada lagu sheegay inaan la qaban karin wax doorasho ah ilaa wax laga qabto qaabka hada loo qaybinayo xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi Somaliland.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Guddiga Doorashada heer Federal iyo Kan Puntland , waxayna ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintan ka dib xiriir uu la sameeyay Warsidaha Puntland Post, Sidoo kalena waxaa ka gaabsaday inuu ka hadlo dikreetada kasoo baxday Madaxtooyadda Puntland Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Quraanjecel  ka dib xiriir telefonka ah oo uu la sameeyay warsidaha PUNTLAND POST

Doorashada Aqalka hoose ee Puntland oo ka socotay xarumaha Jaamacadaha Bariga Africa faraceeda Garowe iyo Xarunta Jaamacadda PSU waxaa dib uga bilowday howlihii waxbarasho oo horey loo hakiyay inta ay Garowe ka socoto doorashada Aqalka hoose .

Akhriso dikreetada.

dikreetoAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST