Maxay ka yiraahdeen guddiga doorashadu go,aanka Puntland ?

Garowe (Puntland Post):- Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Puntland ayaa u hogaansamay Go,aankii ay ku hakisay Dowlada Puntland doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ee ka socota magaalada Garowe, taas oo ay wali dhiman yihiin doorashada 15 kursi oo ka mid noqon lahaa 37-da Xildhibaan ee Puntland ku leedahay Baarlamanka Soomaaliya .

Xubin ka tirsan Guddiga heer Puntland ayaa u xaqiijisay PUNTLAND POST shirar xilligan u socda masuuliyiinta Puntland iyo Madaxda Guddiyadda Doorashada ee heer Puntland iyo Heer Federal Islamarkaana la filayo  inuu u yimaado magaalada Garowe xal u helida qadiyaddan soo cusboonaatay Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Qoondada Puntland ku leedahay kuraasta baarlamanka Soomaaliya oo ah 37 Xildhibaan ayaa intooda badan la doortay , lamana garan karo cabashada Puntland oo hadda ku qotonta saddex kursi oo aqalka sarre kuraasta Somaliland ay ku leeyihiin beelaha Sool , Sanaag iyo Buuhoodle in xal loogu heli doono iyo in kale shirarka ka socda magaalada Garowe .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST