Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Shiinaha gaar ahaan caasimadda ganacsiga waddankaasi ee Shanghai ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Shiinaha sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Khayraadka, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dekedaha, Wasaaradda Ganacsiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasaaradda Technology-yadda iyo Science-ka iyo ganacsatada dalkaasi Shiinaha.
Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle “Indha gurran”, Wasiirka Dekedha, Gaadiidka Badda iyo Ladagaalanka Burcad Badeeda Siciid Maxamed Raage, Wasiiru Dawlaha Kalluumaysiga Dawladda Puntland Cabdiraxmaan Kulmiye, Agaasime Ku Xigeenka Hay’adda Macdanta Puntland Cabdicasiis Maxamuud Cali “Xaaji Sayn” iyo Kaaliyaha Madaxweynaha Dawladda Puntland Mukhtaar Cabdisalaam.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo qaaday sidii loo abuuri lahaa xiriir dhaqaale oo xoog leh oo dhex mara Dawladda Puntland iyo Dawladda Shiinaha, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii Dawladda Shiinaha ay uga caawin lahayd Dawladda Puntland wax soo saarka kalluunka iyo warshadaha, iyo sidii maalgashi loogu samayn lahaa dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiinta Dawladda Shiinaha faah-faahin buuxda ka siiyay khayraadka kala duwan ee ay Dawladda Puntland haysato iyo in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay u diyaarsan yihiin inay soo dhoweyso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa deegaanada Puntland.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tan iyo markii la doortay ku howlan sidii uu horumarin ugu samayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo dar-dar gelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda guud ahaan deegaanada Dawladda Puntland.
–DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.










Arimo khatar ku ah jiritaanka shacabka Puntland ayaa laga hadlayaa, kaluumaysi biyaha puntland, iyo Dekada Bossaaso, waa labo Arimood oo khatar ah , oo jiritaanka Shacabka Puntland khatar xun galinkara.
Hala joojiyo arintaas, chinuhu ha gateen kaluunka, laakiin yaan marna loo mogolaan inay ka kaluumaystaan biyaha ama xeebaha puntland, taasu haday jirto waa khatar xun oo foodsaartay puntland.
China khatar ayey galin puntland kadii loo mogolaado kaluumaysi puntland. Waxaan ka codsanayaa Dawlada Puntland iyo shacabka Puntland taasu inaysan dhicin marna.
Waa khatar run ah, mana jirto dawlad aduunka oo ogolaan karta arintaas biyaheeda iyo dalkeeda.
Ciddii arintaas ku jirtaay kabax oo ilaali biyaha iyo kaluunka puntland.
China tatar colaad oo kalaa ayey ku jirtaa, waxayne soo wadaan dhibaatooyin badan, khasaare, burbur, abaar Badeed, xaag badeed, bad wasakhayn, sun, iyo dhibaatooyin kabadan kuwa maanta nahaysata ee cadawga guduhu noo sababay.
Arintaas waa shacabku ka doodaa oo kawada hadal laga saaraa.
China tartan colaadeed ayey ku jirtaa oo kula jirtaa Japan, iyo Amrica, waa Shacab badan oo dhibaato degdega galin badda , haddii arin kaluumaysi timaado.
Wadaxwaynaha puntland haka tilaabaan danta runtaa ee shacabka Puntland, oo xurmada shacabku kuu hayo ilaali oo ku ilaali danta iyo dalka Puntland jiritaankooda iyo khayraadka biyaha, marna aan loo ogolaankarin Shacab kale sida China.
Waxaa kici doona shacabka Puntland oo diidin Heshiis China lala yeesho ee kaluumaysi badda puntland.
China khatar iyo faa iido dalkeeda ayey wadataa, kaluumaysi biyaha puntland kasaara meesha, waa hoog iyo halaag noo soo hoyday haday dhacdo taasu.
Madaxwaynaha Puntland iyo shacabka Puntland waxaan ka codsan inaan marna lagalin mucaahido ku saabsan in Dekada Bossaaso China gacanta loo galiyo, iyo in China ka kaluumaysato biyaha Puntland.
Waa labo Arimood oo khatar ku ah jiritaanka shacabka Puntland.
China waxay iska hor imaad kala jirtaa Japan iyo Amrica, waxayna doonin inay sawaariikh soo galiso puntland Somalia, inay soo galiso qashinka khatartaa nuclear West.
China waa shacabka fara badan muddo yar ayey Badda oo dhan puntlandI xaaluf kadhigi kartaa oo ka idlayn kartaa Kaluunka maaha danta Shacabkeena dhibaatadu haysato, maanta, iskaashatada Cadawga gudaha , Abaaraha, iyo dhibaatada nooga timid colaadii Cadawga ee 25 sano.
Xukuumada iyo shacabka Puntland ufiirso Xaalada runtaa oo hadiidin ilaalinta hantida iyo Xoriyada puntland.
Waxaan udhawaaqin aduunka innuu garab istaago puntland oo ka qabto khatarta kusoo wahan ee kaga imaankarta China.
China maanta maaha shacabk aamin ah, waa khatar cad, aduunkuna indhaha ku hayo, tartana kala jiro. Stop it, it is very very very dangerous to puntland people.