Mid ka mid ah Beelaha Puntland oo ka hortimid go,aan looga wareejiyay xubinta Aqalka Hoose

Garowe (Puntland Post):- Isimada,Waxgaradka iyo Dhalinyarada Beesha Hayaag (Dhulbahante) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si weyn uga horyimid xubintii ay ku lahaayeen xildhibaanada aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya.

Ugu horayn shirka waxaa kahadlay qaar kamid ah caaqilada beesha oo sheegay in kursigii sharciga ahaa ee ay beeshu lahayd uuna saxiixiisa lahaa boqorka guud ee beeshu loo weeciyey beel kale.

Waxgaradka ayaa sheegay in weecinta kursigaasi ay ka shaqeeyeen madaxtooyada Puntland, xildhibaano kujira barlamaanka Puntland, gudiga doorashada heer Puntland iyo madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Boqor Cabdullaahi Axmed Cali (Daba-gooye), oo isna kahadlay shirka ayaa soo bandhigay shahaadooyin iyo qoraal uu ku cadaynayo inuu lahaa saxiixa kursigaasi madashuna ay isku raacday, islamarkaana uu shahaadada saxiixa kahaysto madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Boqor Daba-gooye ayaa sheegay in cadaalad darro ay ka shaqeeyeen xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland, gudiga doorashada dadban iyo shaqsiyaad kale oo uu sheegay in ay ka wareejiyeen kursigii ay xaqa u lahaayeen ilaa shirkii Imbigaati, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambayntiina waxaa dhinacyadii shirka jaraa’id qabtay ay ku dhawaaqeen inaysan marnaba ka hari doonin kursigaasi, islamarkaana cidkasta oo ka shaqaysay howshaasi aysan ka shaqayn in beelaha walaaha ah ay isku dhacaan, waxaana ay ugu baaqeen beesha caalamka, madaxda federalka, Puntland iyo gudiga doorashada in kursigooda lasiiyo.

Daawo Sawirro.

img_7696 img_7700 img_7701 img_7702 img_7705 img_7713 img_7717 img_7722 img_7726 img_7727 img_7743 img_7784 img_7788 img_7789 img_7794 img_7797 img_7800Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST