Gudoomiyayaasha Gobolladda Puntland oo dallad ku midoobay

Garowe (Puntland Post):- Shir ay maanta isugu yimaadeen magaalada Garowe Gudoomiyayaasha Gobolladda Puntland ayay ku samaysteen dallad ay ku mideysan yihiin, Taas oo ay u doorteen hogaankeeda Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Fara-weyne, Halka xoghayaha dallada ay u doorteen Maxamuud Siciid Ciyoon oo ah Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland .

Shirkan ay kaga dhawaaqeen dallad ay ku mideysan yihiin Gudoomiyayaasha Goboladda Puntland waxaa furay Kuxigeenka Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Puntland, Waxaana goobjoog u ahaa qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo Qeybo kala duwan oo ka socda Hay,addaha Dowlada Puntland.

Cumar Abdulaahi Faraweyne ayaa ku sheegay baahida keentay dalladan inay tahay sidii maamulada Goboladda Puntland guud ahaan isaga kaashan lahaayeen arrimaha sugida amaanka, horumarinta, iyo Sidii ay u yeelan lahaayeen Iskaashi dhaw oo ku dhisan isku soo dhawaanshaha bulshada reer Puntland ee ay hogaanka u yihiin Gudoomiyaaasha Gobolladdu.

Waa markii ugu horeysay oo Gudoomiyaasha Gobolladda Puntland ay yeelanayaan dallad ay ku mideysan yihiin, Iyadoo uu horey u jirey urur mideeya Gudoomiyaasha maamulladda Degmooyinka Puntland.

Daawo Sawirro.

img_7813 img_7820 img_7824 img_7831 img_7837 img_7849 img_7856 img_7867 img_7871 img_7874 img_7876 img_7881 img_7885 img_7887 img_7889 img_7892 img_7901 img_7904 img_7919 img_7921 img_7924 img_7933 img_7940 img_7943 img_7945 img_7950 img_7952 img_7957 img_7958 img_7825Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST