Gaariga Gurmadka deg dega ah oo lagu wareejiyay Degmada Dangoronyo

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa ku wareejisay gaari nooca gurmadka deg deg ah maamulka Degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal , Waxaana looga faa,iideysan doonaa Gaarigan gargaarka deg dega ah ee dhanka caafimaadka abaaraha ka jira deegaano hoosyimaada maamulka Degmada Dongoroyo.

Gudoomiyaha Degmada Dongoroyo oo la wareegay baabuurkan ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland, Wuxuuna sheegay inuu kusoo beegmay gaarigu xilli baahidiisu ka jirto deegaanka hoosyimaada maamulka Degmada.

Daawo Gaariga.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST