BOOSASO : shirkadda ILEYS OO ABAALMARINO SIISAY QAAR KAMID AH MACAAMIISHEDA

Bosaso,(Puntland Post):-Munasabadan ayaa ahad mid Abaal marino kala duwan ay shirkada Oomada ee ILEYS aysa ay ku gudoonsinaysay macmiisha ku xiran shirkada ILEYS oo xarumo kal duwan kuleh Gudaha soomaliya ayaa lagu qabtay magalada bosaso ee xarunta gancsiga Puntland.

munasabadan oo ka dhacaday xarunta rugta ganacsiga Puntland aya waxa ka qab galay gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobalka bari Agaasimaha wasaaradda ganacsiga Puntland Gudoomiyaha Rugta gancsiga,Maamulaha shirkada Oomada ee ILEYS, masuuliyiin ka socday shirkado kal duwan oo gancsi ,ganacsto iyo bulshad qaybeheeda kala duwan.

Madaxa shirkada Oomada ilays ee Puntland Sheekh  Muuse Cali Cabdilaahi ayaa ka warbixiyeye shirkadu waxa ay qabato  isagoon ku dheeraday in ay ku dhabar adeegen si ay dalka wax uga soo sari lahayeen islamrkaan ay ku guulaysteen.

Madax suuq ganta shirkada ILEYS Maxamed maxmuud kuluc ayaa sharaxay dhankiisa ujeedad ay uga dan leeyihiin in ay bixiyaan abaalmarino kala duwan  in ay tahay in la qanciyo macaamiisha shirkada.

qaar kamid ah ganacsatadii ka qab gashay munasabada ayaa shirkad ku aamaanay doorka ay ka ciyaarayso wax soosarka dalka .

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobalka bari Axmed xaaji maxamuud iyo agaasimha wasaarad gancsiga Puntland Salaad aadan maxamuud ayaa sheegay in qofkasta oo rab in dalka uu wax ku soo kor dhiyo ay soo dhawaynayaan islamrkan ay ka dawlad ahan ay garab taagn yihiin.

Ugu dan bantii ayaa waxa munasabada lagu gudoonsiyeye hadyado kala duwan macaamiisha shirkad Oomad ILEYS halka dhanka kale iyagana shahaadooyin lagu doonsiyeye Wasaaradda gancacsiga Puntland iyo rugta gancsiga Puntland.

od-56od-68od-67

od-57od-66od-54od-55od-58od-61od-59od-62od-64od-71od-70od-69od-63

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSASO