XOG:- Suuro-galnimada in Puntland lagu celiyo kuraas Aqalka Hoose

img-20161023-wa0010
Eng Cabdicasiis Faarax Musharax Aqalka Hoose

Garowe (Puntland Post):- Sida laga warqabo waxaa jirta shaki xoog leh oo ka taagan in dib loo soo celin doono qaar ka mid ah kuraasta beelaha ee loo doortay xubno Xildhibaano ah ka dib markii lagu soo eedeeyey musuq maasuq iyo wax is daba-marin ka dhacday goobaha lagu qabtay doorashada aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka Dadban (FGHDD) iyo Guddiga xallinta khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ayaa si wadajir ah u qorsheynaya tallaabooyin isku dubbarid oo ay sheegeen inay wax uga qaban doonaan musuq masuqii dhacay iyo wax is daba-marinta lagu eedeynayo kuraasta qaar loo doortay Xildhibaano Aqalka hoose .

Musharaxiin iyo beelo horey u qaadacay hanaanka ay uga qabsoomayso doorashadu magaalooyinka Garowe, Kismaayo, Cadaado iyo Jowhar ayaa hadda rajo wanaagsan ka muujinaya in laga soo jawaabi doono cabashooyin iyo dacwado ka dhan ah sida Xildhibaano loogu doortay kuraasta beelahooda rag siyaasiin ah oo gacan ka helaya maamulada dalka iyo Dowlada Federalka Soomaaliya.

img-20161023-wa0009
Qaar ka mid ah Odoyaasha qaadacay sida loo maamulay Doorashada Aqalka Hoose ee Puntland

PUNT-LAND Kuraasta laga shaki qabo.

Eng Cabdicasiis Faarax Xaaji Siciid oo ka mid ah musharaxiin ku hawlan dacwad ka dhan ah doorashadii kursiga aqalka hoose ee beesha Cali Saleebaan ayaa uga waramay PUNTLAND POST sida uu ugu dhacay musuq maasuqu kursiga beeshiisa iyo siday macquul u tahay in dib loo soo celiyo ka dib doorashadii ka dhacday Garowe.

img-20161024-wa0016
Qaar ka mid ah Odoyaasha Cali Saleebaan oo qaadacay qaabka loo doortay kursiga beeshooda

Eng Cabdicasiis Faarax ayaa sheegay inuu rajo weyn ku qabo Dacwad 23 October Isimada, Nabadoonada iyo musharaxiinta beelaha Cali Saleebaan ay u gudbiyeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada iyo Beesha Caalamka, Isagoona ku eedeeyay Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowlada Federalka Maxamud Xayir Ibrahim inuu afduubay ergadii beeshiisa u dooran lahayd Xildhibaanka, Islamarkaana hab musuq maasuq ah uu ku qortay 51 qof  hoyga uu ka deganaa magaalada Garowe ka dibna ay u doorteen buu yiri Xildhibaan aan sharci ahayn.

PUNTLAND POST ayaa su,aalo ku waydiisay barnaamijka Dareenka Dhiirane Eng. Cabdicasis Faarax Xaaji Siciid Ka dib wareysi dheer oo khadka telefonka Xilli uu ka mid yahay kursiga beeshiisa kuwa la hadal hayo suurta-galnimada in dib loogu soo celiyo Puntland.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Eng Cabdicasiis inaysan keeni doonin caqabad cusub iyo khilaaf ka xoog badan midka hadda taagan, haddii dib loo soo celiyo kuraasta uu rumaysan yahay in la musuq maasuqay intay socotay doorashada Baarlamanka Soomaaliya.

Daawo Wareysiga Eng Cabdicasiis Faarax Xaaji Siciid.

Go,aanka Guddiga Doorashada.

Warsaxaafadeed shalay 24 Nov 2016 kasoo baxay Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka Dadban (FGHDD) iyo guddiga xallinta khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ayay si wada jir ah uga hadleen walaaca ay ka qabaan eedeymo ku saabsan falal wax isdamarin ah  oo ka dhacay dhowr goobood oo lagu qabtay doorashooyinka golaha shacabka.

Guddiyadda ayaa ku tilmaamay qaababka wax is daba marinta inay ka mid yihiin  isdaba marin lagu sameeyey liisas ergo iyo musharraxiin iyo adeegsiga  awood ciidan oo gaar loo leeyahay si loogu cagajugleeyo loona quusiyo qaar ka mid ah musharixiinta iyo ergada ka qaybgalaysay Doorashadda, waxayna ku cadeeyeen warsaxaafadeedkooda inay socdaan baaritaano lagu xaqiijinayo musuq maasuqa doorashada Xildhibaanada , Islamarkaana guddigu qaadi doonaan tallaabooyin  noqon kara in la laalo  ama dib loo bilaabo natiijooyinka doorasho iyo  in tartanka laga reebo musharraxiintii geysatay wax isdabamarinta.

5i2a9640
Codeynta Doorashada Garowe ee Xildhibaanada Aqalka Hoose

XAQIIJINTA BEESHA CAALAMKA.

Dhinaca kale warsaxaafadeed degdeg ah oo ay xalay soo saareen wadamo ka mid ah beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanadii shalay kasoo baxay guddiga doorashada heer federal ee ku saabsanaa in meesha laga saaro Xildhibaanadii wax musuq maasuqay  iyo qorshe kasta oo saamayn ku yeelanaya in natiijada doorashadu noqoto mid cabsi galin iyo musuqmaasuq leh.

War-saxafadeedkan xalay soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay in Beesha caalamku ku adkeysanayo waafaqsanaanta xeerka anshaxa iyo xeerarka doorashooyinka, oo ay ku jiraan kuwo ku saabsan matalaada haweenka ee barlamaanka cusub ka dib markii lagu sheegay warsaxaafadeedka in qaar kamid beeluhu diideen heshiiskii ahaa in beelaha saddexda kursi leh, uu noqdo hal kursi oo ka mid ah qof haween ah, sida ku xusnayd heshiiskii madasha qaran.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST