Wasaaradda Haweenka Puntland oo daahfurtay ololaha ka dhanka ah Tacadiyadda Jinsiga

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland ayaa maanta daahfurtay ololaha 16-ka beri Daahfurtay ee tacadiyada ka dhanka ah jinsiga, waxaana kazoo qeyb galay munaasabadii lagu daahfurayay Wasiirka Haweenka Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin, Gudoomiyaha Hay,adda Xuquuqul Iisaanka Puntland,Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland, Saraakiil ka socota hay,addaha UN-ka,Hay,addaha Caalamiga, NGO-yada gudaha,Odoyaal dhaqmeed, Haween iyo Marti sharaf kale.

Ololahaan ayaa ka bilaaban doona 25 November  wuxuuna socon doonaa ilaa 10 bisha December 2016, waxaana qorshuhu yahay in sanadkan la isku waafajiyo ka hortaga iyo gurmadka abaaraha ka jira Deegaanada Puntland, Madaama ay yihiin dadka ugu badan oo abaartu saamaysay Haween iyo Caruur.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo khudbad dheer ka jeedisay furitaankii ololahan ka dhanka ah tacadiyadda jinsiga ayaa kula dardaarantay waalidiinta inay caruurtooda ku tarbiyeeyaan dhaqanka Islaamka si loo yareeyo tacadiyada ka dhan ah ilmaha ee dhanka akhlaaqda.

Drs Aniso waxaa kale oo ay ka hadashay xaalada abaaraha dalka ka jira waxayna sheegtay in dowlada Puntland ay maanta kazoo saartay baaq caalamiya, Islamarkaana inta ay socdaan shaqooyinka ololahaan 16-beri ah in looga faa,iideysan doono gurmadka abaaraha.

Wasiir Aniso ayaa intaas ku dartay in Dowlada Puntland ay hormuud u tahay geeska Africa ka hortaga tacadiyada iyo ciribtirkooda, Islamarkaana ay dowladu kazoo saartay siyaasado badan oo hoos u dhigaya tacadiyadda jinsiga,  kuwaas oo ay ka mid ahaayeen  Xeerka Kufsiga Gabdhaha, Siyaasadda ka hortaga Tahriibta iyo ka ganacsiga dadka,Siyaasadda Daryeelka Dadban ee Caruurta Dayacan, Siyaasadda ka hortaga gudniinka gabdhaha  iyo Siyaasado kale oo dhamaantood ka hortagaya nooc walba oo ka dhan ah jinsiga..

Dhinaca kale Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha , Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay munaasabada maanta lagu daahfuray ololaha 16-ka beri ee ka hortaga tacadiyadda ka dhanka ah Jinsiga ayaa ku amaanay Wasaaradda Haweenka doorka ay ka ciyaareyso horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Bulshada.

img_7466 img_7468 img_7471 img_7474 img_7478 img_7479 img_7481 img_7482 img_7485 img_7486 img_7488 img_7489 img_7491 img_7496 img_7498 img_7500 img_7503 img_7505 img_7506 img_7511 img_7519 img_7530 img_7532 img_7533 img_7538 img_7542 img_7546 img_7547 img_7549 img_7552 img_7554 img_7557 img_7558 img_7561 img_7563 img_7564 img_7567 img_7574 img_7576 img_7579 img_7580 img_7585 img_7590 img_7593 img_7596 img_7597 img_7600 img_7604 img_7613 img_7619 img_7630 img_7636 img_7643 img_7644 img_7646 img_7648 img_7650 img_7652 img_7653 img_7656 img_7662 img_7666 img_7676 img_7678 img_7683 img_7688 img_7689Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.