Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo ka howl-galaysa xaalada gurmadka abaaraha

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday inay diyaarisay tiimam ka socda oo looga jawaabayo Abaaraha iyo Xaaladaha kale ee kazoo cusboonaaday dalka, Wuxuuna ku sheegay shir jaraa,ii d oo uu maanta qabtay Wasiir Cabdinaasir Cuuke inaan indhaha laga qarsan Karin xaalada abaarta ku dhufatay deegaanada Puntland.

Wasiirka Cabdinaasir  ayaa sheegay inay magaalooyinka kusoo xaroodeen qoysas fara-badan oo ku barakacay abaaraha ku dhuftay Puntland, wuxuuna sheegay inay jirto nafaqo daro baahsan oo ka dhalatay abaaraha jira , balse wali aan la tilmaami karin cuduro ka dhashay dhulka abaartu ku dhufatay oo xooluhu ku le,edeen.

Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa sheegay in 35 kooxood oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay u kala bixi doonaan degmooyinka iyo gobolada, kuwaas oo uu sheegay in loo kala horumariyay sida ay xaaladu u kala adag tahay, Islamarkaana ay ka hortagi doonto Wasaaradda Caafimaadku in cuduro ka dilaacaan goobaha ay kusoo barakaceen dadka abaartu saamaysay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray inaysan ahayn caafimaadka oo kaliya xaalada ay ka howl-galayaan tiimamka wasaaradiisu u dirtay gobolada Puntland , balse ay kazoo warbixin doonaan xaalada guud ee deegaanada ka jirta.

Dhagayso Wasiirka Caafimaadka Puntland.

img-20161126-wa0000 img-20161126-wa0001 img-20161126-wa00021 img-20161126-wa00022 img-20161126-wa0006 img-20161126-wa0010Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.