Gudoomiyaha Beyla ” Dad ayaa u dhintay Abaaraha ka jira Gobolka Kar-kaar”

Bosaso (Puntland Post):- Gudoomiyaha Degmada Bandar Bayla Ee Gobalka Kar-Kaar Siciid Aadan Cali Anteeno oo saxaafada kula hadalay magaalad Bosaso ayaa sheegay in xaalad adag ku sugan yihiin dadka iyo duunyada ku nool deegaano hoosyimaada Gobolka Karkaar ka dib markii uu sheegay inay  dad u dhinteen abaarta ka jirta awgeed deegaankaas.

Gudoomiyaha Bandar-Bayla ayaa sheegay in gabar ay u dhimatay gaajo iyo biyo la,aan soo wajahday qoyskeeda , waxaa kale oo uu ka dhawaajiyay inay dhamaadeen xoolihii iyo deerooyinkii ku noolaa deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Karkaar.

Qeylo dhaantan ka timid maamulka Degmada Bender-beyla ayaa kusoo beegmaysa xilli ay faraha kasii baxayso xaalada abaareed ee ka jirta deegaanada Puntland, Islamarkaana ay socdaan dadaalo shacabka iyo dowlada Puntland doonayaan in loogu gurmado kumanaan qoys oo ay saamaysay abaaraha ku dhuftay  dhulka Puntland

Dhagayso codka gudoomiyah Degmada Bandar Bayla

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSAASO