Boqor Cabdulaahi Daba-gooye oo saxiix Xildhibaan looga diiday Puntland

Garowe (Puntland Post):- Boqor Cabdulaahi Axmed Cali (Daba-gooye) oo ka mid ah Issimadda  saxiixayaasha gaarka ah ee madasha ayaa sheegay in la baal-marey heshiisyadii shirarka madasha Soomaaliya , wuxuuna dhaliilay habka loo soo xulayo qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada aqalka hoose ee beesha Dhulbahante oo uu ku eedeeyay Boqor Abdulaahi Daba-gooye inuu duudsiiyey doorka uu ku lahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

Boqor Cabdulaahi Axmed Cali ayaa wareysi uu siiyay PUNTLAND POST ku sheegay inuu ka mid ahaa Issimaddii doorka weyn ku lahaa dhismaha Dowlada Soomaaliya , Islamarkaana uu saxiixay 8 kursi oo Xildhibaano kazoo jeeda Sool iyo Cayn xilligii Ceeldooreed Nayroobi dalka Kenya lagu soo dhisay dowlada  , Halka uu sheegay sanadkii 2012 inuu saxiixay saddex kursi baarlamanka Soomaaliya, balse hadda laga hor istaagay inuu saxiix ku yeesho doorashada aqalka hoose ee ka socota dalka .

“Anigu si gaar ah  saxiix u raadin maayee laakiin sharcigii dalka baa la burburiyay waxaana saddex saxiix oo aan sharci ahayn qoranaya Madaxweynaha Puntland, Anniga oo saxiixe ah inta amar aan qoraal ahayn lasoo rogo in la ii diido sharci ma ahan, mana jirto beel kursigeedii inta laga qaaday in la siiyo beel kale 275-ta Xildhibaan “ Ayuu yiri Boqor Cabdulaahi Axmed Cali (Dabo-gooye) oo intaas ku daray

“ Raysal Baarlamanka oo madasha ka tirsan warqad buu soo qoray oo yiri Boqorku saddex saxiix buu leeyahay wuuna fadhiyaa meeqaamkiisii , Sidaas markuu usoo qaatayna waan isu nimid Cabdiweli Gaas, waxaana ku iri maxaad u xanibaysaa saxiixaygii, Haddii aanan qolana iga soo dacwoon saddexdii qolaba” ayuu si kulul u yiri Boqor Dabo-gooye oo ka mid ah Issimada caanka ka ah Puntland.

Wareysiga Boqor Cabdulaahi Dabo-gooye.

Hadalka Boqor Cabdulaahi Axmed Cali (Daba-gooye) ayaa kusoo beegmaya xilli mid ka mid ah kuraasta uu horey u saxiixi jiray loo doortay Wasiirkii horre ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali),Halka ay  weli dhiman yihiin doorashada labo kursi, balse uu sheegay Boqor Abdulaahi inaanu midna ku lahayn kuraasta dhiman wax saxiix ah.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST