Boqor Burhaan Boqor Muuse Oo Dib Ugu soo Laabtay Boosaso

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Mudooyinkii ugu Danbeeyay Safar ugu maqnaa Dalka Dibadiisa ayaa galabta dib ugu soo Laabtay Magaaladda Boosaso,

Waxaana Boqorka ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Boosaso, Xubno ka tirsan masuuliyiin Gobolka, Degmada, Isimo Iyo Qeybaha Kala duwan ee Bulshada,

Waxaana Markii uu ka soo dagay Garoonka diyaaradaha Boosaaso isagoona salaan dhex qaaday  qaar kamid ah Dadkii ku soo Dhaweeyay Garoonka, isagoona og mahadceliyay soo dhaweynta quruxda badan ee ay u sameeyeen,

Intaas kadibna Boqorka iyo masuuliyiinti kale ee la socday ayaa loo gudbiyay Hotelka Gaceyte ee Bosaaso Halkaas oo uu Warbaahinta Ku Siiyay hadal kooban oo intiisa badan taabanayay Marxalada uu wadanku Marayo,

Wuxuu soo hadal qaaday Boqor burhaan Boqor Muuse Xaalada abaared ee wakhtigan ka jirata Puntland isgoona ku sheegay caro rabi loona baahan yahay in Ale la baryo.

Wuxuuna Ka codsaday Qeybaha kala duwan ee Bulshada, Ganacsatada iyo Masuuliyiinta dowladaba in hal dhinaca looga soo wada jeesto gurmadka Dadka Ay abaaruhu saameeyeen ee Somaliyeed,

Ugu danbeyna, Boqor Burhaan ayaa la filayaa inuu Maalmaha soo socda ku sii sugnaado Magaalada Boosaaso, isagoona la kulmi doona Qaar kamid Ah Isimada Gobolka Bari

img_0278 img_0279 img_0280 img_0281 img_0298 img_0302 img_0303 img_0304 img_0306 img_0308 img_0311 img_0312 img_0313 vlcsnap-2016-11-26-18h04m22s907 vlcsnap-2016-11-26-18h04m42s878 vlcsnap-2016-11-26-18h04m57s423 vlcsnap-2016-11-26-18h05m07s570

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSASO