Xaflad soo dhaweyn ah oo Garowe loogu qabtay Xildhibaan Faysal Cabdulle

Garowe (Puntland Post):- Xildhibaan Faysal Cabdule Guuleed oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ku guulaystay Aqalka hoose ee Mudanayaasha cusub baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa maanta xaflad lagu soo dhaweynayo, sidoo kalena lagu sagootinayo ergadii beeshiisa u dooratay Xildhibaanka   loogu sameeyey Magaalada Garoowe ,

Waxaa ka qeyb galay munaasabadan Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Waxgarad, Abwaano, Agaasimayaal kala duwan oo ka tirsan Dowlada Puntland, iyo Marti sharaf kale, waxayna siyaabo kala duwan u cabireen kasoo qeybgalayaashii munaasabadan doorashadii uu kusiga aqalka hoose uu ugu soo baxay Xildhibaan Faysal Cabdulle taas oo ahayd kursigii ugu tartanka adkaa ee doorashada aqalka hoose baarlamanka Soomaaliya oo ka qabsoonta magaalada Garowe, Islamarkaana ay ku tartameen ilaa 6 musharax.

Cumar Cabdulaahi Farawayne Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo ka hadlay munaasabada lagu soo dhawaynayo Xildhibaan Faysal Cabdulle Guuleed ayaa sheegay inuu yahay Xildhibaankan cusub shaqsi muwaadin ah oo leh wax-qabad fiican.

“Maalmahan waxaa badatay murashax hebel waxaa wadata qolodaas , Waxaan u malaynayaa in Xildhibaan Faysal ay wataan dadka reer Puntland ” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

Xildhibaan Faysal Cabdulle oo ka hadlay gaba-gabadii munaasabada ayaa uga mahadceliyay kasoo qeybgalayaasha iyo ergadii soo dooratay soo dhaweynta wanaagsan ee uu kala kulmay, Wuxuuna sheegay inuu si xil kasnimo ah shacabka uu ugu matali doono kursigaan loo doortay.

“Xildhibaan xil qaaday oo Soomaali u qaaday, oo Puntland u qaaday, oo gobolka Mudug oo uu kasoo jeedo u qaaday, oo gobolka Bari oo la igu tirinayo u qaaday, Beeshu Mudug kaliya ma degana, Karkaar, Bari iyo Ethiopina waa degan tahay meel kasta oo degan tahay Xildhibaankoodii baan ahay” ayuu yiri Xildhibaan Faysal

5i2a9831 5i2a9832 5i2a9833 5i2a9834 5i2a9836 5i2a9837 5i2a9838 5i2a9839 5i2a9840 5i2a9841 5i2a9842 5i2a9844 5i2a9845 5i2a9846 5i2a9847 5i2a9848 5i2a9849 5i2a9850 5i2a9852 5i2a9853 5i2a9854 5i2a9855 5i2a9856 5i2a9857 5i2a9858 5i2a9859 5i2a9860 5i2a9862 5i2a9863 5i2a9865 5i2a9867 5i2a9868 5i2a9870 5i2a9872 5i2a9871 5i2a9873 5i2a9875 5i2a9874Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.