Musharax Abshir Xasan oo la kulmay Safiirka Mareykanka Soomaaliya

Nayroobi (Puntland Post):- Musharax Abshir Xasan Abshir ayaa kula kulmay magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya Safiirka Dalka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen M. Schwartz , waxayna ka wada hadleen labada masuul arrimo ku saabsan doorashada Baarlamanka iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya sanadka 2016.

Stephen M. Schwartz oo ah safiirkii 13aad ee Mareykanku usoo magacaabo dalka Soomaaliya  ayaa soo dhaweeyay musharaxnimada Abshir Xasan Abshir, wuxuuna sheegay inuu si weyn u bogaadinayo in dhalinyaradu door ka qaataan hogaaaminta dalka Soomaaliya.

Musharax Abshir Xasan Abshir ayaa si gaar ah ugu sharaxay Stephen M. Schwartz qorshihiisa musharaxnimo , wuxuuna u sheegay haddii uu ku guulaysto Madaxweynaha Soomaaliya inuu dalka ka hirgalin doono Waxbarasho lacag la,aan ah, Dib u heshiisiin, iyo Dib u dhiska ciidan qaran oo dalka Soomaaliya uu leeyahay.

Daawo Sawirada Kulanka Musharax Abshir Xasan Abshir iyo Safiir Stephen M. Schwartz. img-20161125-wa0004 img-20161125-wa0006 img-20161125-wa0005Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST