Shaki ka jira dhamaystirka doorashada Kuraasta Puntland ku leedahay Aqalka hoose.

Garowe (Puntland Post):- muddo dhan 20 cisho ayaa laga joogaa waqtigii ay ka bilaamatay magaalada Garowe Nov 5, 2016 doorashada aqalka hoose, waxaana intii ay socotay ergooyinka beelaha Puntland oo 37-da kursi ku leh Baarlamanka Soomaaliya ay kusoo doorteen 22 Xildhibaan oo mid ka mid ah uu ku geeriyooday habeeno ka hor Garowe, Waxaana wali dhiman doorashada 15 Xildhibaan.

Doorashada Garowe ayaa marka la barbar dhigo doorashada ka socota xarumaha maamul goboleedyada kale ee dalka kaga duwan caqabado qaarkood suura-gal ka dhigi kara in Puntland uga qeyb galaan Xildhibaano qabyo ah micnaha aan dhamaystirnayn doorashada guud ee ka dhici doonta dalka Soomaaliya,  Marka la eego baaxada culayska iyo khilaafaadka ragaadiyay 15-ka kursi ee wali aan laga dooran Puntland.

Ilo wareedyo si dhow ula socda culaysyada ka haysta Guddiga Doorashada Dadban  15  kursi oo aan wali Puntland laga soo dooran ayaa  xaqiijinaya  in loo caal-waayay xal ka gaarista muran iyo khilaaf baaxad weyn oo  ka dhex jira 8 beelood oo ka mid ah kuwa aan wali Puntland looga dooran Xildhibaanadii u matali lahaa Baarlamanka Soomaaliya.

guddiga-doorashooyinka-dadban
Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Puntland

Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay suura galin wayday in la doorto kuraasta qaar wali ku dhiman Puntland caqabado guddiga doorashada kasoo wajahay xagga kharashaadka iyo dhaqaalaha, kuwaas oo loo aanaynayo inay sabab u tahay isfahan-waa ku dhisan farsamo oo in muddo u dhaxeeya Guddiyadda Maamul Goboleedyada ee doorashooyinka dadban oo kuwa Puntland ay ugu horeeyaan iyo Hay,addaha UNDP iyo UNSOM oo gacanta ku haya kala bar dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya ee 2016 .

Isku soo wada duuboo hanaanka ay magaalada Garowe uga socoto doorashada aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ah mid leh waji ka duwan kuwa xarumaha kale ee maamul goboleedyada sida Cadaado, Jowhar, Baydhabo iyo Kismaayo, Waxaana jawaab loo la,ayahay ilaa iyo hadda xilliga ay si rasmiya Puntland uga soo gaba-gaboobi doonto doorashada 37 kursi oo uga mid noqon lahaa aqalka hoose ee baarlamanka dalka Soomaaliya !!!!!!.

PUNTLAND POST