Raashin iyo biyo la gaarsiiyay 68 qoys oo ku nool miyiga Gobolka Sool

Garowe (Puntland Post):- Deeq isugu jirta Bur, Sonkor , Bariis, Saliid iyo Cuntooyinka Fudud ayay u qeybiyeen xubno ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha ka jira Puntland 68 qoys oo dagan miyiga deegaanka Faleryaale ee Gobolka Sool,waxaan laga soo aruuriyay cuntada qoysaskan loo qeybiyay Xaafadda dadka degan Xaafadda Horseed ee Garowe iyo Qaar ka mid ah dadka ku nool dalalka Qurbaha.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay oo ah Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug oo ka mid ah xubnaha hormuudka ka ah Ololahaan gurmadka ah ee lagu caawinayo dadka ay abaarahu  sameeyeen ayaa u mahad celiyay dadka Somaaliyeed gaar ahaan bulshada Puntland siday iskaga fakarayaan iskuna caawinayaan , Wuxuuna sidoo kale shacabka usoo jeediyay inaysan gacan shisheeye waxba ka sugin oo isku tashadaan.

Qoysaskan la gaarsiiyay deeqda isugu jirta raashinka iyo cuntada waxay sidoo kale u geeyeen xubnahaan ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha Puntland deeqda biyo ah oo lagu waraabinayo iyaga iyo xoolahooda kuwaas oo la ildarnaa haraad iyo asqo.

Dhinaca kale Kooxda uu hogaaminayo Gudoomiye Tigey ee maanta deeqda ka qeybiyay deegaano ka tirsan Gobolka Sool ayaa isku xilqaamay gubista bakhtiga xoolihii ku le,eday abaaraha ka jira deegaanka oo daadsan dhulka dooxooyinka ah.

15095710_786502524847326_6603545381557537900_n 15107318_786502704847308_8647155233575117032_n 15135749_786501994847379_1890739780457670578_n 15135781_786502351514010_9006493575372850290_n 15170965_786502438180668_4415027018257076611_n 15171189_786502034847375_764589226370265894_n 15171214_786502408180671_4440882362873329112_n 15178944_786502874847291_7208387678781712170_n 15181160_786502091514036_6269940852103154786_n 15181588_786502378180674_9077750662560791913_n 15192633_786502201514025_2357297656010146967_n 15219492_786502328180679_6814019549795733146_n 15219610_786502268180685_2924653357826368088_nAbshir Dhiirane
PUNTLAND POST