Musharax Abshir Xasan oo Nayroobi kula kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Nayroobi (Puntland Post):- Musharax Madaxweynaha Soomaaliya 2016 Abshir Xasan Abshir ayaa kula kulmay hoyga uu ka degan yahay magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah issimadda ugu waaweyn dalka Soomaaliya.

Musharax Abshir Xasan iyo Boqor Burhaan ayaa uga wada hadlay kulankooda oo saacado qaatay doorashada ka qabsoomi doonta dalka Soomaaliya sanadkan 2016, Wuxuuna kala kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse  Abshir  soo dhaweyn iyo u tahniyadeyn ku saabsan xilkan uu isu soo taagay inuu u tartamo Musharax Abshir Xasan Abshir oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah.

Kulanka Musharax Abshir Xasan iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa noqonaya midkii 2aad , balse kulankan ayaa uga duwanaa kulankii horre , Iyadoo uu noqonayo kii ugu horeeyey oo Musharax Abshir Xasan uu kula kulmo Boqor Burhaan Boqor Muuse tan iyo markii uu ku dhawaaqay musharaxnimo madaxweynaha Soomaaliya.

img-20161123-wa0025 img-20161123-wa0027Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST