Kuraasta Xildhibaanadda Soomaaliya oo gaaray qiimihii ugu sareeyay !!!

u-adeegsiga-xaqiiqadaTartanka loogu jiro kuraasta aqalka hoose iyo kan sare ayaa gaaray qiimihii ugu sareeyay, iyadoo qaar ka mid ah gobolada dalka meelaha ay ka dha-cayaan doorashooyinka la isku gacan qaaday, kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay musharaxiinta tartameysa.

Gobolada Jubbooyinka, K/Galbeed, Hirshabelle, Cadaado iyo Garowe ayaa waxaa weli ka socota tartanka kuraasta Baarlamaanka cusub, waxaana muddo aan la cayimin la hakiyay doorashooyinkii ka dhacayay Jubaland iyo Hirshabelle kaddib markii ay shaqaaqooyin ka dhaceen.

C/llaahi Shirwac oo ah madasha ururrada bulshada rayidka ah ayaa walaac ka muujiyay sida haatan ay ku socdaan doorashooyinka, kaddib markii sida uu sheegay kursiga Xildhibaanimo uu gaaray qiimo dhan $500,000.

dooras“Dib u dhacyada iyo lacagaha lagu kala iibsanayo kuraasta Baar-lamaanka cusub walaac ayay nagu heysaa” ayuu yiri C/llaahi Shirwac oo u waramayay Saxaafadda.

Dhinaca waxaa la filayaa in guddiga doorashooyinka dadban war cad ka soo saaraan dib u dhacyada doorashada ka socota gobolada dalka, iyadoo la filayo in maamul goboleedyada qaarkood dib u bilaa-baan doorashooyinka loogu soo baxayo aqalka sare iyo kan hoose.

beesha-caalamka

               Walaaca Beesha Caalamka.

Qaramada Midoobay, Midowga Af-rika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, iyo Boqor-tooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan eedeymaha joogtada ah ee ku saabsan musu-qmaasuqa lagu hayo geedi-socodka doorasho ee Soomaaliya iyo warbixin-nada ku saabsan cabsi gelin soo no-qnoqotay oo ay la kulmaan mushar-axiinta quudarraynaya ka mid no-qoshada baarlamaanka, ergada doorashada iyo saraakiisha doorashada.

“Saaxiibada caalamku waxay ka niyad jabsanyihiin dib u dhaca ku yimid codeynta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la qorsheeyay inuu qabsoomo 23ka Oktoobar sida ku cad

jadwalkii dib u habaynta lagu sameeyay ee uu soo saaray Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD)” ayaa lagu yiri war-saaxafadeed ay beesha caalamku dhawaan soo saartay

lacag_dollar

                                   Hanti dhawrka Guud ee Qaranka

Dr. Nuur Jimcaale Faarax oo ah Gudoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Som-maliya ayaa sheegay in doorashada ka socota dalka ay hareeyeen musuq maasuq codadka oo la kala iib-sanayo, ku takri-fal awoodeed iyo cabsigelin.

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Sommaliya Dr. Nuur oo la hadlayey VOA-da ayaa sheegay inay diiwaan-geliyeen illaa lix kursi oo dadka haatan ku fadhida ay ku soo baxeen qaab sharciga aan waa faqsanayn, isagoo xusay in laaluushka si xishood la’aan ah loo kala qaadanayo.

musharaxaMadaxda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay dhaqaale fara badan inay u adeegsanayaan Doorashooyinka, taasina ay cadeyn utahay shaqsi-yaadka Madaxweynaha ka agdhaw ee Doorashada ku soo baxay.

Guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayuu ku eedeeyay Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Sommaliya in ay lacagaha diiwaan gelinta ay ku shub-teen akoono khaas ah, lagana weeci-yey akoonadii loogu talo galay.

Guddoonka Doorashooyinka ayuu sheegay Dr Nuur Jamcaale in ay qaadayaan Masuuliyada isla xisaab-tankiina arintaas.

                           Niyad-jabka Shacabka.

shacabkaDhinaca kale bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa dareen aan wanaagsanayn ka muujinaaya doorashada ka socota Dalka oo la sheegaayo inay dhaqaale xoogan ku bixinayaan Madaxda wakhtigoodu dhamaaday ee Dawlada Federaalka si ay dib ugu so noqdaan talada Dalka.

Goobaha lagu sheekaysto ayey Dadweynuhu si aada uga hadal ha-yaan maamul xumada Doorashada Dalka.

Dadweynaha ayaa aaminsan hadii doorashadu sidan kusocoto in mustaqbalka Dalkuna ku socdo wado khatarteeda leh, wallow aysanba muuqan in dheg jalaq loo siinaayo dareenada cabsida iyo welwelka leh ee kasoo baxaaya bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST.