In ka badan 1.2 Milyan oo saamayn u geysatay abaarta ka jirta Soomaaliya

Garowe (Puntland Post):- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa sheegay in abaaraha Soomaaliya ay saameeyeen dad u badan caruur oo ku sugan Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa sheeg-tay in ay muhiim tahay in wax laga qabto abaaraha Soomaaliya oo sheegtay in ay la ildaran yihiin dad gaaraaya 1.2 Million oo qof oo isku jira caruur iyo haween.

OCHA ayaa sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay jirtay in boqolkiiba 20 ay korortay tirada dadka ka cabanaya cunto la’aanta aadka u daran taasina ay sabab u tahay abaaraha baahsan ee ka jira Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Qaramada Mi-doobey ayaa sheegay in ay jiraan ca-ruur badan oo nafaqo daro ay ku haysato Soomaaliya , loona baahan in wax laga qabto arintaasi.

Sida ay sheegayaan qiyaasaha, ku dhowaad 320,000 kun oo car-ruur ah ayaa qarka u saaran in ay u dhintaan cuduro kala duwan oo ay sababtay abaarta ka jirta Soomaaliya iyadoona 50,000 kun oo ka mid ah ay la ildaran yihiin Nafaqo daran ba’an

Ugu dambeyntii Qaramada Mi-doobey ayaa codsatay in wax laga qabto abaaraha Soomaaliya , isla-markaana gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu ay saameeyeen.

Abaaruhu waa arin rabigeena ku xiran,waana waxyaabaha dadka lagu aafeeyo,balse waxay ku yimaadaan sababo badan oo is-biirsadey,waxaana ka mid ah ;Nabadgelyo la,aan ama xasilooni darro ka dhacda wadan(dagaalo dhaca),sidoo kalana Maamul xumo iyo agaasin la’aan ku timaada habkii iyo qaabkii loo maareyn lahaa siyaasada horumarineed ee bi-yaha,deegaanka,iyo xaalufin ku timaada dhirta,iyo nabaadguurka ku dhaca dhulka.

Abaaruhu waxay ku yimaadaan dhowr waxyaabood oo kala ah.

Somaalidu waa dad reer guuraa ah 75% kii ,balse hada waaba ka yar yi-hiin oo magaaladeey soo galeen ab-aaro dartood iyo xoolihii oo dhamaadey,dhaqaalaha miyiga iyo magaaladuba waxuu ku xiran yahay xoolaha nool,hadii ay ku dhacdo ab-aarna,waxaa hubaal ah oo shaki ku jirin in ay magaalooyinkana abaari ka dhacayso,sidaa daraadeed waxaa khasab ah in dhulka laga ilaaliyo wixii nabadguurkeeni kara iyo waxii daaqa yareeyn karaba,lana helo siyaasad loogu noqdo miyigii oo lagu hayo xoolihii.Si taas loo sameeyana waa in la helaa dad aqoon u leh daaqa,maamulkiisa,iyo barashada cilmiga daaqa guud ahaantiisba.

PUNTLAND POST