Bosaso:- Olole ka dhan ah khatarta kaneecadda oo ka bilowday Gobolka Bari.

Bosaso (Puntland Post):- Tiimam ka socda Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland gaar ahaan waaxda Malaariyadda ayaa olole looga hortaga xanuunka duumada ka bilaabay deegaano hoostaga Degmada Bosaso ee Gobolka Bari Ka dib xilli inta badan dadku kazoo laabteen xagaa bixii Bosaso, Sidoo kalena la furay Iskuulaadka ku yaala Bosaso iyo Tuulooyinka hoos-yimaada

Agaasimaha Waaxda Malaariyada Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa u sheegay warbaahinta in xilliga qaboobaha Bosaso iyo Deegaanada hoosyimaada ay ka dilaacdo kaneecadu Islamarkaana ay khatar u geysan karto dadka sida dhacday sanadkii 2012-kii.

Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa sheegay inuu socon doono ololahaan muddo 20 cisho ah , Islamarkaana uu isugu jiro labo qeybood oo kala ah Qeyb wacyi-galin ah iyo Qeyb baaris iyo daaweyn ah, Wuxuuna sheegay inay ku dadaali doonaan sidii ay uga hortagi lahaayeen inay kaneecadu sababto dhimasho badan sidii ka dhacday Gobolka bari sanadkii 2012.

Agaasimaha Waaxda Malaariyada Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa intaas ku daray in sanad walba la qeybiyo maro kaneecooyin, sidoo kalena la buufiyo guryo badan, Islamarkaana ay howshan qeyb ka tahay dadaalo badan oo sanad walba wasaaraddu samayso , kuwaas oo lagaga hortago khatarta Kaneecadda.

Dhagayso Agaasimaha Waaxda Malaariyadda

img-20161122-wa00081 img-20161122-wa0008 img-20161122-wa0009 img-20161122-wa0010 img-20161122-wa0011 img-20161122-wa0012 img-20161122-wa0013 img-20161122-wa0014 img-20161122-wa0015 img-20161122-wa0016 img-20161122-wa0017 img-20161122-wa0018img-20161122-wa0006 img-20161122-wa0007Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST