Shirweyne ku saabsan doorka waxbarashada sarre haweenka oo ka furmay Garowe

Garowe (Puntland Post):- Shir weynahahaan ayaa waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirrada waxbarashada iyo arrimaha haweenka dowladda Puntland iyo Marti sharaf kale, waxana looga doodayaa muddada saddexda bari ah ee uu socdo doorka haweenka Puntland ee waxrashada sare.

Agaasime ku xigeenka Mac-hadka cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA Sahro Axmed Kooshin ayaa sheegtay in ay saddexda maalmood ee shirku socdo ay ka wada hadlayaan caqabadaha gabdhaha Puntland ka haysta waxbarashada sare iyo iyo heerka ay marayso waxbaashada sare ee gabdhaha.

Waxay kaloo sheegtay Agaasime ku xigeenka SIDRA in shirkaan looga gol leeyahay  in lagu baaro heerka waxrashada sare halka gabdhuhu ka marayaan. Waxayna sheegtay in Barnaamijkaan ay hiigsanayaan in Somalia oo dhan ay gaarsiiyaan.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland  Dr. Abshir Aw-yusuf Ciise oo shirkaan daah-furay ayaa sheegay in tacliintu tahay midda qofka hormarisa. Abshir Aw-Yusuf  ayaa sidoo kale sheegay in waxwalba oo laga wada hadlay loo baahanyahay in la qoro si uu dhigaal u yeesho.

Dr. Abshir Yuuusuf  ayaa shirkaan ku tilmaamay mid loo baahnaa oo wax ku ool ah, isaga oo ku ammaanay Machadka SIDRA sida uu hawshaan isugu xilsaaray.

Faadumo Shukri oo ah agaasimaha waaxda  horumarinta waxbarashada gabdhaha oo ka hadashay shirkaan ayaa sheegtay in waxbarshadooda gabdhaha Puntland ay caqabado badan ka soo mareen, laakiin hadda ay  meel fiican marayso,iyada oo xustay in gabdhaha waxbarshadoodu kor u soo kacday,inkastoo aanay gaari meeshii larabay.

Dugsiyada hoose ayay sheegtay in gabdhuhu ka yihiin 47%  sidoo kale Dugsiyada sare ayey sheegtay inay gabdhuhu ka yihiin 36% halka jaamacadahana  ay ku sheegtay in ay ka yihiin 28%.

Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin,ayaa iyaduna kulanka ka sheegtay in dadka Puntland waxbarta gabdhuhu u badan yihiin,oo haatan laga gudbay caqabado badan oo gabdhaha ka haystay dhanka waxbarshada waxayna ku guubaabisay gabdhaha inay sii wadaan dadaalkooda.

Daawo Sawiradda.

img_7283 img_7285 img_7286 img_7291 img_7293 img_7294 img_7295 img_7297 img_7298 img_7299 img_7303 img_7305 img_7306 img_7309 img_7312 img_7315 img_7317 img_7318 img_7320 img_7322 img_7325 img_7330 img_7331 img_7334 img_7338 img_7341 img_7354 img_7355 img_7363 img_7365 img_7370 img_7372 img_7373 img_7381 img_7386 img_7393 img_7394Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST