Jaamacadda Bariga Afrika qabteeda Boosaso oo qalab waxbarasho lagu wareejiyay

waxaa jaamacadda bariga Afrika qabteeda Boosaso ee xarunta gancsiga Puntland ka dhacday munaasabad ay soo agaasimeen dhakhaatiirta dufcadda 2-aad ee kal hore ka qalin jabisay kulliyadda caafimaadka halkaasoo lagu wareejiyay qalab waxbarasho oo loogu talagalay kulliyadda caafimaadka.

Qalabkan oo isuga jira boonbalayaal caafimaad iyo tallaagado ayaa waxaa gadiddiisa iska kaashaday shirkadda isgaarsiinta Golis, guddoonka sare ee Jaamacadda iyo dhakhaatiirta dufcadda 2-aad kuwaasoo lahaa fikradda iyo fulinta hawshaanba.

Ujeedka qalabkaan ayaa qayb ka ah dadaal loogu jiro kor u qaadista iyo tayaynta waxbarashada kulliyadda Caafimaadka taasoo usuurta galinaysa in ardayga lagu baro badi hawlaha caafimaadka ah ee gacanta laga qabto sida galinta Soondada, Cateetarka, Durriinka, surridda Caanoolaha, Tolmada, Cabbirka cadaadiska dhiiigga iyo sameynta wiisitada caafimaad noocyadeeda kala duwan.

Maamulka iyo dhammaan ardayda jaamacadda ayaa soo dhaweeyay qalabka la soo gaarsiyey jaamacadda.

img_5973

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSAASO