Halkee mareysaa Xaaladda Abaaraha ka jirta Puntland ?

Garowe (Puntland Post):- Waxaa heerkii ugu sareeyay gaartay abaaraha ka jira deegaanada Puntland, Ka dib markii ay qoysas fara-badan ka dhamaadeen xoolihii, Waxaana laga soo dayrinayaa nolosha dadka reer guuraaga ah oo ay soo wajahday cunto la,aan iyo biyo la,aan.

Goboladda abaartu sida daran uga jirto dalka Soomaaliya waxa ka mid ah Gobolka Nugaal, Mudug,Bari,Sool iyo Karkaar, Waxayna soo gaarsiiyeen PUNTLAND POSTqaar ka mid ah guddiga ku howlan gurmadka abaarta sawiro muujinaya heerka abaarta ku dhufatay gobolada Puntland.

Waxaa kusoo xerooday magaalooyinka qoysas ka badan boqolaal kuwaas oo ka mid ah dadkii ku cayroobay abaaraha ka jira Puntland.

Guddi loo xilsaaray abaaraha ayaa gaaray Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug, waxayna halkaas gaarsiiyeen gurmadyo loo fidinayo  dadka iyo duunyada la liita abaarta ka jirta deegaankaas.

Ma jirto ilaa hadda wax deeq caalami ah oo soo gaartay deegaanada Puntland, xilli dhawaan uu la kulmay Madaxweyne Gaas hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan Puntland, kuwaas oo uu u diray baaq ku aadan inay ka qayb qaataan dadaallada loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Puntland.

1 2 3 4 5 6 7 8Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST