Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Puntland oo iscasilay

Garowe (Puntland Post):- Gudoomiyihii guddiga doorashada kumeel gaarka ee Dowlada Puntland Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) ayaa maanta ku shaaciyay barta uu ku leeyahay Facebook qoraal uu ku cadeynayo inuu iska casilay xilkuu hayay, ka dib markii uu sheegay inuu u gudbiyay waraaqdiisa iscasilaada Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, sida uu sheegayna Axmed Kismaayo uu ka aqbalay Madaxweynuhu.

Axmed Kismaayo ayaa qoraal kooban oo uga hadlay iscasilaadiisa ku sheegay inay ka danbeysay arrimo isaga u gaar ah , Isagoona magacaabistiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland.

Axmed Maxamed Cali ayaa Gudoomiye u ahaa guddi ka kooban 9 xubnood oo bishii 2aad ee sanadkan 2016 uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland, waxaana qorshuhu ahaa inay Puntland u diyaariyaan hanaanka asxaabta badan oo ay horey Puntland ugu fashilantay in la hirgaliyo.

Akhri nuqul ka mid ah qoraalka iscasilaada Axmed Kismaayo

kismaayoAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST