Wasaaradda Haweenka Puntland oo Garowe ku qabatay xuska Caruurta

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Garowe munaasabad lagu xusayo maalinta caruurta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowlada Puntland, Waxaana kazoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Haween, Masuuliyiin ka socda Hay,adda UNICEF , Save The Children iyo Caruur.

Xuska maalinta caruurta ayaa sanadkan looga faaloonayay ilaalinta caruurta iyo daryeelkooda, waxayna goobta ka sheegtay Wasiir Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin inay wado qorshayaal lagu horumarinayo caruurta sida dhamaystirka siyaasadda daryeelka dadban ee caruurta iyo qorshaha horumarinta caruurta guud oo dhawaan la horgeyn doono golaha Wasiiradda Dowlada Puntland.

Drs Aniso Cabdulqaadir ayaa sheegtay inay ilgaar ah Wasaaradeedu ku hayso Daryeelka Caruurta khaas ahaan kuwa liita iyo qoysaska ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowlada Puntland Prof  Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay in wasaaradiisu dadaal dheer ugu jirto sidii ay waxbarasho ku filan u heli lahaayeen caruurta Puntland.

dscn7085 dscn7087 dscn7089 dscn7090 dscn7092 dscn7093 dscn7095 dscn7096 dscn7097 dscn7100 dscn7104 dscn7105 dscn7109 dscn7110 dscn7113 dscn7114 dscn7115 dscn7118 dscn7120 dscn7123 dscn7124 dscn7125 dscn7126 dscn7127 dscn7130 dscn7133 dscn7137 dscn7138 dscn7144 dscn7156 dscn7165 dscn7168 dscn7171 dscn7176 dscn7178 dscn7192 dscn7194 dscn7195 dscn7198 dscn7204 dscn7206 dscn7214 dscn7219 dscn7220 dscn7222 dscn7225 dscn7230 dscn7231 dscn7234 dscn7236 dscn7237 dscn7238 dscn7239 dscn7244 dscn7250 dscn7254 dscn7255 dscn7256 dscn7257 dscn7258 dscn7259 dscn7260Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST