Hay’adda TADAAMUN Oo Daah furtay Olalaha Gurmadka Abaaraha

Bosaso (Puntland Post):-Hay’adda TADAAMUN Ayaa Boosaso maanta si rasmi Ah Oga daah furtay Barnaamij Loogu gurmanayo Dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Gobolka Bari, Waxaana ka qeybgalay Masuuliyiin kala duwan.

Munaasibad Kooban oo Lagu shaacinayay Olalahan ayaa waxa lagu qabtay Guriga Looga Arimiyo gobolka Bari ee Boosaso, iyadoona uu Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka iyo Ku xigeenkiisa.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa Masuuliyiin ka Socday Hay’adda TADAMUN iyo Nabadoono Lagu Casuumay, Goobta,

Olalahan ayaa waxaa ka qeyb-gali doona gaadiid kala duwan kuwaas oo ku wareegi doona xaafadaha Boosaso, islamarkaana ka soo qaadi doona dadka wixii deeq ah ee ay u awodan dadka abaaruhu saameeyeen ee Gobolka Bari.

Gudoomiyaha Olalaha Gurmadka Ee Hay’adda TADAMUN Yuusuf Suudi Cabdi Ayaa sheegay in loo baahanyahay in si dhekhsa ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen ee somaliyeed, isagoona u Mahadceliyay Dhamaan dadka Taageeray Olalahooda.

Gudoomiyaha Guud ee Jimciyadda Wadaniga ah ee TADAAMUN Cabdiraxman C/risaaq Cabdiraxmaan Oo ka Hadlayay Muhiimada Barnaamijkan Ayaa sheegay in Qof yar iyo Qof weynba ay masuuliyad ka saarantahay sidii loo caawin lahaa dadka Tabaaleysan ee Somaliyeed.

Ugu danbeyna Gudoomiye xigeenka Gobolka Bari Axmed Cali C/laahi Cirro oo ka Hadlayay Xiritaanka Kulankaasi ayaa ku nuux-nuuxsaday in Gar-gaarkan ayaa ka shaqeyn doonaan Hay’adda tadaamun iyo Gudi kale oo Maamulka Gobolku uu u xilsaaray iney kala shaqeeyaan Aruurinta dhaqaalaha Loogu gurmadayo Dadka Abaareysan.

Olalahan ayaa kaga duwanaan doona Kuwii Hore qaabka Ay lacagaha usoo uruurin doonaan dadka loo xilsaaray waxaana xaafadaha ay utagi doonaan Mid-mid si ay Qoys walba waxey ku deeqi karaan oga soo Qaadaan.

od-40

od-41

od-42

od-43

od-44

od-45

od-47

od-49

od-51

od-53

od-52

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSAASO