Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal oo maanta xilka la wareegay

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ee Magaalada Garowe Xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen taliyihii horre ee Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir iyo Taliyaha Cusub ee loo soo magacaabay Cabdirashiid Maxamuud Awxuseen (Xinjira Dhuuq).

Xafladan xil wareejinta waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo Marti sharaf kale.

Taliyihii horre ee Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa faahfaahin ka bixiyay wax-qabadkiisa tan iyo intii uu shaqadan hayay, wuxuuna sheegay in meel hoose uu wax kasoo bilaabay islamarkaana uu keenay meel wanaagsan, Wuxuuna kula dardaarmay taliyaha cusub inuu sii dardar galiyo shaqada baaxada leh ee u taala qeybta booliska gobolka Nugaal.

Cabdirashiid Xinjira dhuuq ayaa uga mahadceliyay Taliyaha uu xilka kala wareegay wax-qabadka uu ka sameeyay gobolka tan iyo intii uu hayay xilka, wuxuuna ka codsaday laamaha kale ee Dowlada Puntland inay ka gacan ka siiyaan siduu u gudan lahaa waajibkaadka qaran ee horyaala.

Isku soo wada duuboo dhamaan masuuliyiintii ka hadlay goobta ayaa ku amaanay taliyihii horre ee booliska gobolka Nugaal wax-qabadka uu sameeyey, Sidoo kalena kula dardaarmay Taliyaha cusub sidii uu usii laba jibaari lahaa howlaha sugaya .

20161119_103840 20161119_103848 20161119_103854 20161119_103924 20161119_103934 20161119_1039421 20161119_104303 20161119_104352 20161119_104428 20161119_104412 20161119_104428 20161119_103840 20161119_104303 20161119_104428Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST