Saraakiil Ciidanka Nato oo Bosaso kula kulamay Wasiirka Dekadaha Puntland

Bosaso (Puntland Post):- Kulankan oo Mudo kooban ka socday xarunta Wasaarada Dekedaha ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil ka socotay Midowga Yurub, gaar ahaan kuwa howlgalka la dagaalanka burcad-Badeeda ee NATO, Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Sidoo kale intii uu socdaykulanku waxaa goobjoog ka ahaa Maamulka Gobolka Bari, kan dagmada Boosaso iyo Nabadoono, Iyadoona diirada lagu saarayay iskaashi ku aadan sidii looga shaqeyn lahaa sugida Amaanka Badda iyo ka hortaga tacayadiyada ay la kulmaan dadka kaluumeysatada ah.

Waxaana mudadii uu kulankaasi socday lagu dhex arkayay Dekeda weyn ee magaalada Bosaaso Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Howlgalka NATO Iyo Diyaarado dul heehaabayay qeybo kamid ah Dekeda iyo Magaladaba.

Markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Dekedaha, Gadiidka Badda iyo La dagaalanka Burcad-badeeda Puntland Siciid Maxamed Raage oo sheegay in kulankaani uu ahaa mid muhim ah oo looga hadlayay sida ugu haboon ee la isku kaashan karo.

Dhinaciisa Sarkaal u hadlayay Midowga Yurub ee Somaaliya u jooga Nabad ilaalinta ayaa wuxuu ku dheeraday Muhimada ay leedahay wadashaqeynta Labada Dhinac ee Puntland iyo Ciidamada Ilaaladaha Xeebaha ee NATO.

Mana aha Markii ugu horeysay oo kulan noocaan oo kala ah uu Ku dhexmaro Boosaaso Sarkiil ka Tirsan Midowga Yurub iyo Wasaarada Dekedaha iyo Ladagaalanka Burcad-badeeda Puntland.

Inkastoo ay yaraadeen falalka ay geysan jireen kooxihii Burcad-badeeda ahaa, ayaa hadana Dadbadani waxey aaminsanyihiin In taasi ay badashay Boob iyo Jariif aan loo meel dayin oo Doomaha iyo Maraakiibta Shi-sheeya ay ka sameeyaan badaha somaaliya.

od-39

od-38od-35od-30od-26od-28od-25od-34od-32od-33od-35od-37od-36od-39

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSAASO.