Ciyaartooy Reer Australia ah oo kusoo wajahan Puntland iyo Somaliland.

Melbourne (Puntland Post):- Jaaliyadda Soomaalida ee Qaaradda Australia ayaa soo sagootisay 22 ciyaartooy ah oo  kooxaha kubadda cagta kula ciyaari doona Magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa, Kuwaas oo qorshahoodu yahay sidii ay caalamka ugu muujin lahaayeen heerka nabada ee ka jirta Puntland iyo Somaliland.

Kooxdan oo ka mid ah Naadiyadda Kubbadda Cagta ee ka dhisan magaalada Melbourne dalka Australia ayaa marti-qaadyo ka helay Dowlada Puntland iyo Somaliland, waana markii ugu horeysay oo koox ka timid Qaaradda ugu danbeysa Adduunka oo ay soo gaari doonto dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Maamulka Somaliland iyo Puntland.

Maxamed Cali Maxamed Diriri oo ka tirsan guddiga abaabulka ciyaartooyda ku wajahan Puntland iyo Somaliland ayaa u sheegay PUNTLAND POST inuu salka ku hayo ujeedada ugu weyn ee dhalinyaradani oo ah Soomaali ku nool Australia sidii ay isbarasho iyo aqoon kororsi ula wadaagi lahaayeen dhigooda ku nool dalka Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay Maxamed Cali Dirir inay ka heleen Dowlada Puntland Caasumaad ka dib markay kazoo dalbadeen dhawaan , Isagoona sheegay inuu noqon doono muddo labo isbuuc ah socodka dhalinyarada ciyaartooyda ee ka tagay Australia .

Daawo Sawirada Ciyaartooyda ku wajahan Puntland iyo Somaliland.

14971971_871909159611434_1163902570_n 15046449_871909112944772_15115162_n 15058525_871910299611320_653250461_n 15058739_871910212944662_556490546_n 15058749_871909176278099_95672304_n 15058793_871910222944661_461102108_n 15086829_871910309611319_1500863652_n 15086937_871910216277995_946483591_n 15128552_871910306277986_1690499640_n 15129728_871910246277992_1167872396_n 15129773_871910256277991_2146015871_n 15129880_871909119611438_2135897808_n 15129917_871909149611435_2052707482_n 15135542_871909116278105_75184410_n 15139403_871909219611428_1041660526_n 15139662_871910269611323_101088473_n 15151032_871910316277985_2140718073_n 15151213_871909136278103_1692435086_n 15151555_871910219611328_2114057654_nAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST