Garowe oo lagu qabtay tuugo xadi jirtay Bateriyadda Layrarka Wadooyinka.

Garowe (Puntland Post) :- Maamulka Dowlada hoose iyo Gollaha Deegaanka Garowe ayaa ku guulaystay qabashada dad lagu eedeynayo inay ahaayeen tuugo bateriyada kala bixi-jirtay baalayaasha ay ku xiran yihiin layrarka ku shaqeeya cad-ceeda  ee ku xiran Wadooyinka waaweyn ee magaalada Garowe.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Gollaha Deegaanka Garowe ayaa Sawiro soo dhigeen baraha xiriirka bulshada, waxay ku sheegeen in lagu guulaystay soo qabashada dhawr ka mid ah dadkii ka danbeeyay falal lagu naafeynayo Bateriyada ay ku shaqeeyaan Layrarka ku xiran baalayaasha iftiimiya Wadooyinka  faras magaalada ee Garowe ,

Xildhibaanadan ayaa intaas ku daray in laga soo helay inta badan qalabkii lagala baxay baalayaasha Layrarka Wadooyinka magaalada ilaa saddex kaam oo ka mid ah kuwa ay ku nool yihiin barakacayaasha degan Garowe ka dib markay dadka ku nool goobahaasi ay ka iibsadeen tuugadii ku lug lahayd falkan

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dadweynaha ku nool magaalada Garowe ay si weyn u hadal hayeen todobaadyadii u danbeeyay falalkan ka dhanka ah Ilayska wadooyinka, kaas oo ka mid ahaa mashaariicdii ugu danbeysay oo ka hirgasha magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Daawo Sawiro Bateriyaddii lagala baxay baalayaasha wadooyinka Garowe.

11 22 33Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST