Banaan bax Roob doon ah oo siwan looga Tukaday Magaalada Bosaso

Boosaso(Puntland Post):-Shacab kala duwan oo ka kal yimid xafadaha ay ka koobantahay magaalada Boosaaso, culimaa udiin, Maamulka gobalka Bari, kan dagmada Boosaaso ayaa isugu soo baxay saalad roob doon ah oo Ale looga baryayo si uu uga dul qaado Abaarta ku dhufatay deegaano badan oo kamid ah Puntland iyo soomaliya.

Garoonka kubada cagta ee Boosaso ayaa lagu tukaday labo raga cadood oo salaada roob doonta ah.
ducooyin, wacdiyo, Axaadiis ,iyo kalmado dar daaran ah oo lagula dar daarmayo bulshada muslimiinta ah gaar ahaana kuwa Boosaso ayaa halkaasi waxa ka soo jeediyey culimadii ka soo qab gashay salaada roobdoonta ah.

Duqa dagmada Boosaso Injineer Yaasiin Mire Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka habeenkii isticmaala wadooyinka ka baxsan Boosaaso ee wata Baabuurta yar yar islamraan ay ku wataan dumar in ay wadaan dunuub sharcigan la hor keeni doona.

Gudoomiyaaha gobalk Bari ,Yuusuf Maxamed Wacas dhado, ayaa sheegay in ay faraxad u tahay in maanta ay ku dhan yihiin culimadii Puntland goobta  islamarakaana si wadajir ah Ale loo baryayo.
Xaaladda Abaarta ka jirta Puntland ayaa mareysa meel halis ah oo laga soo dayrinayo, waxaana ku barakacay boqolaal qoys oo ku waayay xoolahoodii  .

yuuuuu-45yuuuuu-36

yuuuuu-37yuuuuu-44yuuuuu-42yuuuuu-43yuuuuu-41yuuuuu-40yuuuuu-34yuuuuu-39yuuuuu-35yuuuuu-33yuuuuu-38

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST