Afar Shirkadood oo isugu soo haray tartanka dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo

Garowe (Puntland Post):-Hay’adda Wadooyinka iyo Dayactirka Jidadka Puntland ee (PHA) ayaa maanta soo bandhigtay afar shirkadood oo isugu soo haray tartanka qandaraaska dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo u dhexeeysa.

Gudoomiyaha guddiga qandaraas bixinta dowladda Puntand Ibrahim Cumar Aadan ayaa sheegay inay si cadaalad ah  u kala saareen shirkadaha soo codsaday qandaraaskan, isagoo sheegay shirkad walba inay ku qiimaynayeen tayada qalabka inay haysato qalab cusub oo ay  u adeegsanayso dhismaha wadadaan.

Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland Eng Maxamuud Cabdi Nuur Aadan ayaa sheegay mashruuca lagu dhisayo wadada Garowe iyo Gaalkacyo inuu yahay mashruucii ugu muhiimsanaa oo soo mara Puntland , wuxuuna cadeeyay inay masuuliyad weyn iska saareen sidii looga saari lahaa tuhun kasta.

Eng. Maxamuud Cabdi Nuur wuxuu sheegay shirkadaha kusoo baxay qandaraaska oo kala ah, IS-XILQAN, ALBASHI, ELGAR iyo JIMCOM, inay sii kala saari doonaan guddi hoosaad quburo ah oo qiimayn ku sameyn doona shirkadd walba waxay soo bandhigtay, Kadibna lagu soo xulan doono Shirkadii buuxisa sharuudaha qandaraaska.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Dujaana ayaa soo dhoweeyay mashruucaan iyo heerka uu marayo, wuxuuna kula dardaarmay guddiga qandaraas bixinta inay masuuliyad xoogan iska saaraan cadaaladda.

Dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Garowe ayaa lagu wadaa inuu bilowdo horaanta sanadka soo socda ee 2017, wuxuun yahay bartilmaameedka 1aad dhismaha 80km oo u dhexeysa degmada Xarfo ee Gobolka Mudug iyo Tuulada Jalam ee Gobolka Nugaal,

Daawo Sawiradda.

img_9653 img_9654 img_9765 img_9769 img_9774 img_9778 img_9782 img_9790

img_9626 img_9633 img_9637 img_9639 img_9646 dsc0645 dsc0646 dsc0647 dsc0648 dsc0654 img_9759 img_9786Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST