Musharax Cali Xaaji Warsame oo si weyn looga soo dhaweeyay Kismaayo

Kismaayo (Puntland Post):- Waxaa shalay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland si diiran loogu soodhaweeyay Musharax Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah Musharaxiinta doonaya inay u tartamaan sanadka 2016 Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland oo uu ka mid yahay G/kuxiggeenka 1aad ee Baarlamaanka Jubaland, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland Gen Darwiish, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Jubaland, Fanaaniin, iyo Qaybaha bulshada ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay Musharax Cali Xaaji Warsame Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Cali Xaaji Warsame oo dadweynihii iyo masuuliyiintii soo dhaweysay kula hadlay Gudaha Garoonka Kismaayo ayaa kulan kula yeeshay uga waramay socdaalkiisa, Wuxuuna ku amaanay Kismaayo inay tahay magaalada labaad ee xadunta u ah Soomaaliya, Islamarkaana laga doonayo inay kulmiso Soomaali oo idil.

Musharax Cali Xaaji Warsame oo loo soo galbiyay dhanka gudaha magaalada Kismaayo ayaa munaasabad balaaran loogu qabtay Hotel Kismaayo oo ku yaala bartamaha magaalada, Wuxuuna kula kulmay waxgaradka, cuqaasha, iyo qaybaha bulshada ku nool Kismaayo.

Dhinaca kale Murashax Madaxwayne Cali Xaaji ayaa kula kulmay Aqalka Martida Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan socdaalka uu ku tagay Kismaayo iyo Ololihiisa musharaxnimo.

DAAWO MUUQALKA SOO DHAWAYNTA CALI XAAJI WARSAME

03 0 04 1 07 06 05 3 11 12 14 17 13 18 02 8Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST