Garowe oo maanta laga bilaabay ololaha gurmadka abaaraha Puntland

Garowe (Puntland Post):- Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare Dr Mohamed Cali Faarax  iyo xubno kamid ah Guddiga Abaaraha Waxbarashada Sida Maxamed Jaamac Yuusuf Tigay ayaa saaka ardayda dugsiyada sare ee magaalada Garowe ku dhiiri galiyey inay ka qaybqaan abaaraha ka jira Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ayaa  shalay daahfurtay baarnaamij ku saabsan Ololaha badbaadinta dadka ku cayroobay abaaraha ku dhuftay miyiga Puntland , wuxuuna salka ku hayaa ujeedada barnaamijkan saddex arrimood oo ay ka mid yihiin , In Wasaaraddu muujiso kaalinta kaga aadan gurmadka abaaraha ka jira dalka,Sidii loogu aruurin lahaa goob kasta oo waxbarasho oo ku taala Puntland Cunto,Dhar,Gogol,Lacag iyo Wixii suurta gal ah iyo Inay Wasaaraddu ka furto Gobol walba iyo Degmo kasta Akoono tababuracaad ah.

Wasiir kuxigeenka  Wasaaradda Waxbarashada iyo Maxamed Jaamac Yuusuf (Tigey ) oo saaka kumanaan ardey ah kula hadlay daabuurka Iskuulada Al-waaxa iyo Gambool ayaa ku dhiirigaliyay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen abaaraha ku dhuftay dhulka miyiga, kuwaas oo ay ku barakaceen boqolaal qoys .

Masuuliyiintan ayaa geeyay xarumaha Iskuulada Akoonka loogu tala-galay Tababuracaadka loo fidinayo qoysaska reer miyiga ee dhibaatadu kazoo gaartay Abaaraha ka jira deegaanada Puntland.

                      Hoos ka daawo Sawirada

dsc00677-copy-524x393 dsc00678-copy-524x393 dsc00679-copy-524x393 dsc00681-copy-524x393 dsc00682-copy-524x393 dsc00684-copy-524x393 dsc00685-copy-524x393 dsc00686-copy-524x393 dsc00689-copy-524x393 dsc00691-copy-524x393 dsc00692-copy-524x393 dsc00693-copy-524x393 dsc00694-copy-524x393 dsc00695-copy-524x393 dsc00696-copy-524x393 dsc00698-copy-524x393 dsc00699-copy-524x393 dsc00702-copy-524x393 dsc00705-copy-524x393 dsc00711-524x393 dsc00713-524x393 dsc00714-524x393 dsc00736-524x393 dsc00739-524x393 dsc00740-524x393Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST