Xafiiska La dagaalanka Musuq maasuqa Puntland oo ka hadlay Doorashada ka socota Dalka

Garowe (Puntland Post):- Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Dowladda Puntland ayaa war qoraal ah oo kazoo baxay uga hadashay arrimaha doorashooyinka dadban ee aqalka hoose iyo eedeymaha ka dhanka ah ee la xiriira arrimaha musuqmasuqa, Waxaana lagu yiri warka kazoo baxay Xafiiska La dagaalanka Musuq maasuqa Puntland.

“Waxaa jirey indhawaaleba warar isa soo kaabaya oo sheegaya in aysan ahayn 100% doorashooyinka ka socda Puntland sidii laga filayey, Islamarkaana ay jiraan dal daloolo iyo cabashooyin kasoo baxaya bulshadada qaarkood iyo waliba sida beelaha qaarkood usoo gudbiyeen ama u maareeyeen ergooyinka wax dooranaya iyo xubnaha beelaha uga qayb galaya doorashada, Waxaana soo baxaya warar sheegaya inay jiraan waxa uun ku qotoma gacan bidixayn ah, wallow taas bedelkeeda uu ku difaacay Xafiiska Asteynta Puntland hanaankan cusub oo markii ugu horeysay doorasho looga galayo dalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cali Guureeye, Agaasimaha  Ha’yadda Astaynta Maamul wanaagga iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa Dowladda Puntland  ayaa ku tilmaamay  inay yihiin arrimaha doorashooyinka dadbani taallaba horumar ah oo   uu sheegay inuu rajeyayno, inay noqon doonto talaabada ku xigi doonta doorasho hal qof iyo hal cod ah marka la gaaro sanadka 2020.

cabdiraxmaan-cali-guureeye-agaasimaha-la-dagaalanka-musuq-maasuqa-puntland-_-puntlandpost_-abshir-dhiirane-14-nov-2016
cabdiraxmaan-cali-guureeye-agaasimaha-la-dagaalanka-musuq-maasuqa

Xafiiska La dagaalanka Musuq maasuqa Puntland ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay waxa loola jeedo doorashada dadban, Wuxuuna sheegay in looga gol leeyahay sidii guud ahaan bulshada loo bari lahaa waxa la yiraahdo Doorasho, Islamarkaana tani bilow wanaagsan u tahay dhabaha loo socdo marka la gaaro  2020-ka.

Ugu danbeyntii Agaasimaha Hay,adda Asteynta Maamul wanaaga iyo La dagaalanka Musuq maasuqa Puntland ayaa sheegay jiritaanka cabashooyin soo gaaraya xafiiskooda, Islamarkaana u baahan sixid iyo Xakamayn, Wuxuuna hoosta ka xariiqay in maalintii shalay ay kormeer ku tageen goobaha ay ka socoto doorashada Aqalka hoose ee magaalada Garowe.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST