Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ku dhawaaqday ololaha gurmadka abaarta

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ayaa maanta daahfurtay Ololaha badbaadinta dadka ku cayroobay abaaraha ku dhuftay miyiga Puntland , Waxaana daahfuray barnaamijkan ololahaa masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Ujeedada barnaamijkan ayaa salka ku haya saddex arrimood oo ay ka mid yihiin , In Wasaaraddu muujiso kaalinta kaga aadan gurmadka abaaraha ka jira dalka,Sidii loogu aruurin lahaa goob kasta oo waxbarasho oo ku taala Puntland Cunto,Dhar,Gogol,Lacag iyo Wixii suurta gal ah iyo Wasaaraddu ka furto Gobol walba iyo Degmo kasta Akoono tababuracaad ah.

Dikreetooyin kazoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada  ayaa lagu wargaliyay dhamaan masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee magaalooyinka inay diyaariyaan qorshahan tababuracaad oo loogu gurmanayo boqolaal qoys oo ku barakacay abaaraha iyo Magacaabida Guddiga Arrimahaas uga shaqeynaya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland.

Akhriso Dikreetadda Wasaaradda Waxbarashada.

gudiga-abaaraha-iyo-wargalin-muhiim-ah scan-abshir

img_9392 img_9394 img_9397 img_9399 img_9406 img_9408 img_9464 img_9470 img_9471 img_9475 img_9483 img_9484 img_9487 img_9490 img_9494 img_9499 img_9503 img_9515Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST