Somaliland oo Shaacisay in ay ka qeyb galeyso doorashada Soomaaliya

(Puntland Post):-Siyaasiyiinta, Salaadiinta, iyo waxgaradka Beelaha Dir Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta ku dhawaaqay inay ka qeyb galayaan doorashada dadban ee dalka ka dhaceysa, kaddib markii ay dhowaan qaadaceen.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada maamulka Somaliland oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen sidii ay uga qeyb gali lahaayeen doorashada Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in go’aankaasi ay u dhan yihiin siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda degaanada maamulka Somaliland.

Hoos ka dhagayso codka Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST