“DAAWO” Xaalad Cakiran oo ka taagan Puntland

Garowe (Puntland Post):- Xubno ka mid ah Guddiga Gurmadka Deg deg ah ee Puntland oo todobaadkii lasoo dhaafay socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Gobolada Bari, Nugaal iyo Karkaar ayaa ku baaqay  ka dib wareysi ay siiyeen PUNTLAND POST  in gurmad deg deg ah oo isugu jira biyo  iyo cunto lala soo gaaro dadka badan oo la ildaran haraad iyo gaajo kuwaaas oo ka mid ah dadka ku barakacay abaarta ku dhufatay dhulka Puntland.

Waxaana ka muuqda sawiro ay PUNTLAND POST guddiga culimadu soo gaarsiiyeen reer miyigii oo kusoo barakacay tuulooyinka iyo magaalooyinka ka dib markii ay qoysas fara-badan ku cayroobeen abaaraha ku dhuftay deegaanada Miyiga ah.

Abaarta ayaa si isku mid ah uga jirta inta badan deegaanada Puntland, wallow ay mid yihiin Goboladda ugu daran Gobolka Karkaar, Deegaanada Bariga Fog, Mudug iyo Nugaal, waxaana deegaanada qaar laga soo sheegayaa inay dad u dhinteen abaarta ka jirta awgeed.

DAAWO Wareysi Xaaladda Reer Miyiga iyo Muuqaaladdii ugu dambeeyay oo laga soo qaaday dhulka ay ku dhufatay abaartu.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST