Banaan bax roobdoon oo maanta ka qabsoomay Garowe.

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta banaanka Waqooyi ee magaalada Garowe isugu soo baxay kumanaan dadweyne ah iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland , Kuwaas oo ilaahay u baryaya inuu ka dulqaado abaarta ku dhufatay deegaano badan oo ka tirsan dhulka Puntland.

Isu soo baxaan roobdoonta ah ayaa ka danbeeyay ka dib markii Masaajidyada waaweyn ee magaalooyinka Puntland xalay laga Iclaamiyey isu soo baxaan roobdoonta oo lagu baryayo ilaahay , Islamarkaana dadka loogu weydiinayo qofkii wax awooda inuu u sadaqeysto walaalihiisa Oonka iyo Gaajada kula ildaran deegaano badan oo ka tirsan goboladda Mudug, Nugaal, Bari iyo Karkaar.

Xaaladda Abaarta ka jirta Puntland oo ayaa mareysa meel halis ah oo laga soo dayrinayo, waxaana ku barakacay boqolaal qoys oo ku waayay xoolahoodii  .

Daawo Sawwiradda isu soo baxa maanta ka qabsoomay Garowe .

img_9124 img_9137 img_9140 img_9144 img_9148 img_9159 img_9160 img_9164 img_9169 img_9172 img_9176 img_9191 img_9200 img_9201 img_9204 img_9206 img_9207 img_9209 img_9211 img_9213 img_9214 img_9216 img_9217 img_9218 img_9220 img_9222 img_9225 img_9228 img_9230 img_9236 img_9242 img_9245 img_9246 img_9247 img_9248 img_9250 img_9261 img_9262 img_9264 img_9265 img_9279 img_9289 img_9295 img_9303 img_9307 img_9320 img_9332 img_9336Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.