Musharax Abshir Xasan Abshir oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe

Garowe(Puntland Post):- Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Abshir Xasan Abshir oo kasoo kicitimay dalka Kenya , Waxaana ka qeyb galay soo dhaweyntiisa masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Odoyaal, Siyaasiin, Aqoonyahano iyo Dadweyne Fara-badan.

Musharax Abshir Xasan Abshir ayaa horey Xildhibaan uga soo noqday Baarlamanka Dalka Soomaaliya,Wuxuuna sidoo kale ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brundi .

Musharax Abshir Xasan Abshir oo kula hadlay fagaaraha ay caanka ku tahay Garowe ee Barxadda boqolaal taageerayaashiisa ah ayaa sheegay inuu u tartami doono Madaxweynaha Dalka Soomaaliya , Islamarkaana uu horseedi doono isbedel dhab ah haddii uu ku guulaysto hogaaminta dalka.

Musharaxa ayaa sheegay in %70 dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad dhalinyaro ah , Islamarkaana uu xooga saari doono sidii uu uga shaqeyn lahaa dib u heshiisiin waarta oo ka dhacda Soomaaliya.

Kala soco goor dhow PUNTLAND POST muuqaal ku saabsan sida musharaxa looga soo dhaweeyey Garowe iyo Khudbadda uu u jeediyay Dadweynihii soo dhaweeyay.

img_4501 img_4502

img_8869 img_8872 img_8908 img_8909 img_8911

img_4503 img_4510 img_4511 img_4513 img_4515 img_4516 img_4517 img_4518 img_4519 img_4521 img_4522 img_4524

img_8879 img_8882 img_8887 img_8888

img_4526 img_4527 img_4528 img_4530 img_4531 img_4532 img_4533 img_4534 img_4535 img_4536 img_4537 img_4538 img_4539 img_4540 img_4541 img_4542 img_4543 img_4544 img_4545 img_4546 img_4547 img_4548 img_4549 img_4550 img_4551 img_4552 img_4553 img_4554 img_4555 img_4556 img_4559 img_4564 img_4567 img_4574 img_4577 img_4578 img_4579 img_4583 img_4604 img_4606 img_4622

img_8940 img_8978 img_8982 img_8988 img_8992 img_8997 img_9000 img_9008 img_9025 img_9028img_4624 img_4629 img_4630 img_4632 img_4633Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST