Jadwalka Imtixaanka Ardeyda iyo Iskuullada Puntland oo la bandhigay

Garowe (Puntland Post):-Agaasimaha Waaxda Taya-dhowrka iyo Kormeerka Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa ka dib kormeer uu maanta ku tagay qaar ka mid ah Iskuulada ku yaala magaalada Garowe, wuxuu ugu baaqay guud ahaan Iskuulaadka Puntland in la bilaabi doono Imtixaanka Teeramka marka la gaaro bisha 1aad  sanadka 2017.

Cabdulqadir Yuusuf Nuux ayaa saaka soo saaray jadwalka imtixaamka mid-termka Exams, wuxuuna si gaar ah fariin ugu diray Gudoomiyayaasha Waxbarashada iyo Kuwa Degmooyinka oo uu ku wargaliyay in la bilaabi doono bisha 7 bisha January  2017, Islamarkaanaa uu ku egyahay 14 bisha Janaayo 2017.

Sidoo kale agaasimaha ayaa xusay iskuulada magaalada Galakacayo, wuxuuna sheegay in si gooniya Ardeyda dhigata Iskuulada Gaalkacyo loola socon doono xaaladooda.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Agaasimaha Waaxda Taya-dhowrka iyo Kormeerka Wasaaradda Waxbarashada Puntland inaan la furi Karin Dugsi hoose,Mid dhexe iyo Mid sare oo aan ogolaansho ka haysan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland.

fscn7038 fscn6985 dscn6993 dscn7013 dscn6991 dscn7005 dscn6990 dscn6992 dscn6988 dscn6987 dscn7014Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST