Barnaamij Horumarinta Xirfadaha Ganacsiga Soomaaliya oo lagu daahfuray Garowe

Garowe (Puntland Post):- Machadka Horumarinta Cilmibaarista ee SIDRA iyo laanta IFC ee Bangiga Adduunka waxay maanta ku daahfureen magaaladda Garoowe barnaamijka Horumarinta Xirfadaha Ganacsiga Soomaaliya, kaas oo loogu talo galay ganacsata Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan, gaar ahaan ganacsiyada yaryar, kuwa dhexe, dhalinyarada iyo haweenka. Barnaamijkaani wuxuu wax ka tari doonaa tayaynta xirfadaha maamul iyo kobcinta ganacsiga, iyada oo loo diyaariyay koorsooyin loogu tarjumay afsoomaali.

Barnamijkaan ayaa furitaankiisa waxaa kasoo qeyb galay, wasiiro katirsan xukuumada Puntland, rugta ganacsiga , aqoonyahano ku xeeldheer arrimaha ganacsiga iyo ka qeyb galayaal kale oo ka socday shirkadaha ganacsiga iyo jaamacadaha.

Agaasimaha machadka SIDRA,  Gulled Saalax Barre ayaa sheegay Barnaamijkaani inuu yahay fursad aad qaali u ah oo wax badan ka taridoonaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha Ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe, kuwaas oo uu sheegay in la siindoono  tababaro la diyaariyay horayna loosoo tijaabiyay.

Gulled  wuxuu sheegay daraasad ay sameeyeen inay ku ogaadeen in ganacsiga Soomaalidu uu burburo isago aan xoogaysan, taasoo sabab u ah aqoon yari xaga xirfada ganacsiga, wuxuuna balanqaaday inay ganacsatada Soomaaliyeed ka caawindoono, sidii xirfadooda kor loogu qaadi lahaa, sidii ganacsigooda loogu kobcin lahaa iyo in la baro fikrado ganacsi oo kale.

Kaltuum Maxamed Xasan oo u hadashay laanta IFC ayaa sheegtay barnaamijkaan oo kale inay laanta IFC ka wado wadamo gaaraya illaa 67 dal, ayna ka faaiidaysteen dad lagu qiyaasay illaa 160,000 oo qof.

“Waxaan ku kalsoonahay in barnaamijkaani aad u kobcin doono xirfadaha ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ganacsiga dadka Soomaaliyeed” ayey tiri Sahro Kooshin, Agaasime Ku-xigeenka Machadka SIDRA.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland  Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay barnaamijkaan inuu yahay mid muhiim ah oo qeyb weyn ka qaadandoona tayada ganacsiga wuxuuna yiri,” Ganacsigu  meelaha ugu liita ayaynu ka joognaa, waxaana u sabab ah aqoonta la’aanta xaga ganacsiga, marka waxaan u baahanahay in barnaamijkaan looga faa’ideeyo ardayda jaamacadaha kasoo baxa iyo ganacsatada.

Sannadkii lasoo dhaafay, IFC waxay maalgalin dhan $230 million galisay wadamada Africa ee saxara dhaca, iyadoo lacag kale oo dhan $59 million galisay arrimaha la talinta. IFC barnaamijkeeda horumarinta wadamada soo koraya sida Somalia wuxuu xoogga saarayaa  soojiidashada maalgashiyada, horumarinta adeegyada, iyo shaqo abuurka. SIDRA waa hay’addii ugu horaysay ee barnaamijkaan ay bahwadaag ku noqdaan IFC Somalia gudaheeda.

Daawo Sawiradda daahfurka barnaamijkan.

dsc0414 dsc0415 dsc0416 dsc0417 dsc0418 dsc0419 dsc0420 dsc0421 dsc0422 dsc0423 dsc0424 dsc0427 dsc0433 dsc0434 dsc0438 dsc0440 dsc0443 dsc0445 dsc0446 dsc0448 dsc0450 dsc0451 dsc0452 dsc0455 dsc0456 dsc0457 dsc0461 dsc0467 dsc0471 dsc0474 dsc0477 dsc0479 dsc0480 dsc0482 dsc0486 dsc0488 dsc0489 dsc0492 dsc0496 dsc0501 dsc0511 dsc0512 dsc0513 dsc0516 dsc0517Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST